5 katirsan ciidamada dowladda oo ku dhintay Weeraro ka dhacay Labada Shabelle.

Sunday December 29, 2019 - 12:28:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    5 katirsan ciidamada dowladda oo ku dhintay Weeraro ka dhacay Labada Shabelle.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha Hoose.


Wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa sheegaya in weerar ka dhacay wadada xiriirisa deegaannada Awdheegle iyo Bariire uu sababay dhimashada ugu yaraan 2 askari, ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay wadada ugaleen ciidamo ka yimid dhanka Awdheegle.

Dhinaca kale weerar qorshaysan oo ka dhacay wadada xiriirisa degmada Balcad iyo deegaanka Qalimoow ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaartay ciidamada dowladda.


Wararka laga helayo deegaanka Ilbaq ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerareen goob ay isbaaro utiillay maleeshiyaadka dowladda, ugu yaraan sedax askari ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarka iyadoona laga furtay sedax qori AK47 ah oo ay wateen ciidamada laweeraray.


Related Items