Weerar Khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada Kenya oo ka dhacay dhulka NFD.

Sunday December 29, 2019 - 19:44:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada Kenya oo ka dhacay dhulka NFD.

    Wararka naga soo gaaraya dhulka NFD ee ku jira gacanta dowladda Kenya ayaa ku waramaya inuu dhacay weerar culus oo ciidamo katirsan Xarakada Al-Shabaab ay la beegsadeen askarta Kenya ee ku sugan dhulkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya dhulka NFD ee ku jira gacanta dowladda Kenya ayaa ku waramaya inuu dhacay weerar culus oo ciidamo katirsan Xarakada Al-Shabaab ay la beegsadeen askarta Kenya ee ku sugan dhulkaas.


Weerarka oo ku billowday qarax xoogan oo lala helay gaari ciidan oo ay saarnaayeen Askar Kenyaati ah, ayaa wuxuu markii dambe isku bedeley weerar toos ah.

Kamiinka ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Jabbi iyo Raamo ee gobolka Mandheera, waxaana uu socday kamiinka in muda ah.

Khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa gaaray ciidamada Kenyaatiga, balse ma aynaan helin faafaahim rasmi ah.

 Al-Shabaab ayaa sii laba jibaartay howlgallada ay ku beegsaneyso askarta Kenya ee xooga ku heysta dhulka NFD, duulaanna ku jooga qeybo kamid ah Soomaaliya.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items