Sawirro: Mareykanka oo Ganacsade caan ah iyo 12 neef Geel ah ku dilay duqeymo ka dhacay Sh/Hoose.

Monday December 30, 2019 - 16:21:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sawirro: Mareykanka oo Ganacsade caan ah iyo 12 neef Geel ah ku dilay duqeymo ka dhacay Sh/Hoose.

    Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa markale duqeymo indha la'aan ah ka geystay deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa markale duqeymo indha la'aan ah ka geystay deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.



Warar horudhac ah ayaa kasoo baxaya  duqeymo ay diyaaradaha Mareykanka  ay shalay casaar liiqii iyo xalay fiidkii ka geysteen laba deegaan oo Sh/Hoose katirsan.

Duqeymahan oo ka dhacay degaanka Kuunyo Barrow iyo duleedkiisa  waxay ku beegsadeen ganacsade caan ahaa oo la oran jiray Kuusow Xaaji Maxamad Yuusuf iyo gaarigiisa iyo xoolo daaqayay dhulka Howdka ah ee ku dhow Kuunyo Barroow.

Qaar kamid ah Ehelada ganacsadaha ayaa inoo xaqiijiyay geeridiisa iyadoo sidoo kale Mareykanku uu burburiyay gaarigii ganacsadaha,Kuusow ayaa xarun ganacsi oo weyn ku lahaa Kuunyo Barrow.



Sidoo kale diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeyn u geystay xoolo badan oo daaqayay duleedka degaanka Kuunyo Barrow Inta la xaqiijiyay waxay ku dileen 12 neef oo Geel ah waloow ay suura gal tahay in khasaaruhu intaasi ka badan yahay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Africa  (AFRICOM)  ayuu ku sheegtay mas'uuliyadda xasuuqii uu geystay isagoo ku faanay in uu ku dilay saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Mareykanku wuxuu ku andacooday in duqeymihii aan loo meel dayin ee uu geystay lagu dilay 4 katirsan dagaalyahannada Al Shabaab balse xaqiiqda wixii ka dhacay Kuunya Barroow iyo duleedkeeda ayay warbaahinta Islaamiga ah sawir ahaan usoo gudbin doonaysaa.





























 

Related Items