Jamaaco Jihaadi ah oo 11 Askari ku dishay Weerar ka dhacay Burkina Faso.

Monday December 30, 2019 - 11:49:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Jamaaco Jihaadi ah oo 11 Askari ku dishay Weerar ka dhacay Burkina Faso.

    Jamaacada Ugargaaridda islaamka iyo Muslimiinta ayaa qaadday weeraro hor leh oo lagu laayay ciidamo katirsan dowladda dabadhilifka Burkina Faso oo qeyb ka ah isbahaysiga G5 ee duullaanka ku qaaday wadanka Maali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamaacada Ugargaaridda islaamka iyo Muslimiinta ayaa qaadday weeraro hor leh oo lagu laayay ciidamo katirsan dowladda dabadhilifka Burkina Faso oo qeyb ka ah isbahaysiga G5 ee duullaanka ku qaaday wadanka Maali.


Bayaan ay ku saxiixneed Mu'asasada Alzallaaqah ayaa lagu sheegay in weerar hubeysan oo dagaalyahanada Jihaadiga ah ku qaadeen gobolka Sum waxaana weerarka ku dhintay illaa 11 askari oo katirsan ciidamada dowlada Burkina Faso.

'Mujaahidiintu' waxay sheegeen in weerarkan ay qaadeen uu jawaab celin u ahaa gummaad ay ciidamada Burkiiniyiinta  ugeysteen dad katirsan qabiilka Alfulaan iyagoona dilay 17 ruux shacab ah oo qabiilkaas katirsan.


Dagaalyahannada Jamaacada Ugargaaridda Islaamka iyo Muslimiinta ayaa dagaalka ku qabsaday hub iyo saanado melleteri sidoo kale waxay soo fakiyeen sedax ruux oo kamid ahaa qabiilka Alfulaan kuwaas oo gacanta cadowga kujiray.

Bayaanka kaso baxay jamaacada JNIM ayaa lagu adkeeyay in mujaahidiintu marwalba ay difaaci doonaan muslimiinta ay ku xadgubayaan dawaaqiidda Mandiqadda Saaxilka, jamaacadan Jihaadiga ah ayaa ku xooggan sedaxda wadan ee kala ah Maali,Niger iyo Burkina Faso halkaas oo ay kula loollamayso isbaheysiga Faransiisku hoggaaminayo.





Related Items