25 Maleeshiyaad Shiico ah oo ku dhintay duqeymo ka dhacay Galbeedka Ciraaq.

Monday December 30, 2019 - 12:07:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    25 Maleeshiyaad Shiico ah oo ku dhintay duqeymo ka dhacay Galbeedka Ciraaq.

    Khasaare lixaad leh ayaa maleeshiyaadka Shiicada Ciraaq kasoo gaaray duqeymo xooggan oo lagu beegsaday dhowr saldhig oo maleeshiyaadkaas ay ku lahaayeen gudaha Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaare lixaad leh ayaa maleeshiyaadka Shiicada Ciraaq kasoo gaaray duqeymo xooggan oo lagu beegsaday dhowr saldhig oo maleeshiyaadkaas ay ku lahaayeen gudaha Ciraaq.



Mas'uuliyiin katirsan Kooxda Xahsdiga ee xiriirka laleh Iiraan ayaa sheegay in ugu yaraan 25 dagaalyahan looga dilay duqeymo ka dhacay gobolka Al Anbaar.

Dadka duqeymaha ku dhintay waxaa kamid ah sarkaal muhiim ahaa oo madax ka ahaa gaaska 45aad ee Kataa'ib Xisbullaah Alciraaqi oo ah maleeshiyaad Shiico Ciraaqiyiin ah balse ay hubayso dowladda Iiraan.

Jawaad Kaadim Alrabiicaawi oo ah Madaxa maamulka Xarakada Xashdiga ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in 51 dagaalyahan ay dhaawacyo culus kasoo gaareen duqeymaha ay geysteen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.


Wasiirrada Difaaca iyo Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa shir jaraa'id ku sheegtay mas'uuliyadda weeraradan xagga cirka ah ee ka dhacay wadanka Ciraaq.

Mark Esber wasiirka G/dhigga USA oo hadlayay wuxuu sheegay in sedax bartilmaameed ay ka fuliyeen galbeedka Ciraaq halka 2 weerar ay ka fuliyeen bariga Suuriya dhammaantoodna ay ku beegsadeen saldhigyo ay lahaayeen Maleeshiyaadka Kataa'ib Xisbullaahi Alciraaqi.

Maamulka Trump wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya aysan gacmaha ka laaban doonin weerarada daan daansiga ah ee uga imaanaya garabka Iiraan ee ku sugan gudaha Ciraaq, Jimcihii lasoo dhaafay weerar madaafiic ah oo lagu qaaday saldhigga K1 ee duleedka magaalada Kirkuuk waxaa ku dhintay Jeneraal howlgab Mareykankan ah waxaana weerarkaas fuliyay maleeshiyaad Shiico ah.


Related Items