Al Shabaab oo ka hadashay qaraxii Ex.control Afgooye Taczina udirtay dadkii Shacabka ahaa ee ku dhintay [dhageyso].

Monday December 30, 2019 - 21:30:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • Visits: 14040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 12 2
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo ka hadashay qaraxii Ex.control Afgooye Taczina udirtay dadkii Shacabka ahaa ee ku dhintay [dhageyso].

    Afhayeenka guud ee Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa jeediyay kalimad muhiim ah oo uu kaga hadlayo qaraxii xooganaa ee maalin ka hor ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu khasaare kala duwan kasoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka guud ee Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa jeediyay kalimad muhiim ah oo uu kaga hadlayo qaraxii xooganaa ee maalin ka hor ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu khasaare kala duwan kasoo gaaray dad isugu jira ciidan iyo shacab intaba.


Kalimaddan oo la dhageysan karo muddo 24 daqiiqo ah ayuu Sheekh Cali Dheere ku faahfaahiyay qaraxii halkaas ka dhacay iyo dadka lala beegsaday, wuxuuna sheegay in qaraxaas ay la beegsadeen Kolonyo isugu jirta Turki iyo maleeshiyaat Soomaali ah islamarkaana uu khasaare lixaad leh kasoo gaaray.

Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale qiray in qaraxaas uu khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed kasoo gaaray dad shacab ah oo qaraxaas la kulmay xilli ay wadada marayeen.


Afhayeenka ayaa taczi udirayn ehelladii ay ka baxeen dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay qaraxii Ex.Control wuxuu sheegay in dadkaas dhintay ay yihiin Shuhaddo wuxuuna Alle uga baryay in uu shahaadadooda ka aqbalo.

Xarakada Al Shabaab ayaa dowladda Federaalka ku eedaysay in gaadiidka shacabka ay ka dhigatay gabaad kadib markii isgoys ciriiri badan gaadiid shacab ku xayirtay, Shabaabul Mujaahidiin waxay markale caddeysay in aysan banaysan dhiigga muslimiinta marwalbana ku dadaasho sidii ay u ilaalin laheyd dhiigga shacabka marka ay weerarada ka fulinayso goobaha cadowgu joogo.

Halkan ka degso Kalimadda MP3 ama hoos ka dhageyso


Related Items