Dowladda Suudaan oo xirtay Xarumaha Xarumaha Mu'asasada Islaamiga Andalus.

Tuesday December 31, 2019 - 12:46:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dowladda Suudaan oo xirtay Xarumaha Xarumaha Mu'asasada Islaamiga Andalus.

    Xukuumadda dabadhilifka Suudaan ayaa xirtay dhammaan warbaahintii Islaamiga aheyd ee faafinta Dacwada Islaamka ka wadday wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda dabadhilifka Suudaan ayaa xirtay dhammaan warbaahintii Islaamiga aheyd ee faafinta Dacwada Islaamka ka wadday wadankaasi.


Bayaan kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Al Khurduum ayaa lagu sheegay in xayiraad lagusoo rogay dhammaan howlihii dacwo ee mu'asasada Iclaamiga Andalus oo uu maamulo ka yahay Sheekh Cabdi Xayi Yuusuf.

Faysal Max'med Saalix oo ah wasiirka Warfaafinta Suudaan ayaa sheegay in ay Albaabada isugu dhufteen illaa 10 xarumood oo isugu jira Idaacado iyo Telefeshinno kuwaas oo hoos tagayay Mu'asasada Al Andalus.

Maamulka KMG ah ee Suudaan ayaa ku eedaynaya Sheekh Cabdi Xayi Yuusuf in uu ku howlanyahay Ajandayaal ka dhan ah nidaamka Suudaan balse illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin mu'asasada Andalus.


Telefeshinka iyo Raadiyaha Deybah ayaa ku hadla dhowr luqadood oo dhammaantood lagu faafinayay Dacwada Islaamka waxaana kamid ah Luqadaha Carabiga,English-ka,Sawaaxiliga iyo Haawsaha.

Sheekh Cabdi Xayi Yuusuf ayaa lagu tiriyaa in uu kamid yahay culimada tayaarka Salafiga ah wuxuuna taageerayaal badan ku leeyahay wadanka Suudaan iyo wadamada dariska la ah

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.
 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items