Sawirro: Kooxo Shiico ah oo xoog ku galay dhismaha Safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad.

Tuesday December 31, 2019 - 15:44:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Kooxo Shiico ah oo xoog ku galay dhismaha Safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad.

    Boqolaal qof oo Shiico ah ayaa xoog ku galay dhismaha safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad caasimadda wadanka Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal qof oo Shiico ah ayaa xoog ku galay dhismaha safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad caasimadda wadanka Ciraaq.


Dad caraysan oo isugu jiray maleeshiyaad iyo shacab Shiico ah ayaa gubay dhammaan difaacyadii laga ilaalinayay dhismaha safaaradda kadibna waxay isku dayeen in ay jabiyaan albaabada safaaradda si ay gudaha ugu daataan balse waxay iska caabin kala kulmeen ciidamadii ilaalinayay.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulsahda ayaa muujinayay dad caraysan oo udaadanaya gidaarka dhismaha iyo holac ka baxaya dhismayaasha qaar, ciidamo hubeysan oo katirsan xukuumadda Ciraaq ayaa lagu daad gureeyay dhismaha safaaradda si ay dibad baxayaasha ugu diidaan in ay gudaha dhismaha galaan.


Jawaad Alrabiicaawi oo ah hoggaamiye katirsan maleeshiyaadka Xashdiga ayaa sheegay in dadka caraysan ee weeraray dhismaha safaaradda Mareykanka ay dalbanayaan in Mareykanku Ciraaq ka baxo.

Donald Trump oo bartiisa Twitterka qoraal kooban soo dhigay ayaa dowladda Shiicada Iiraan ku eedeeyay in ay mas'uul ka aheyd weerarkii ay dibad baxayaashu ku qaadeen dhismaha safaaradda wadankiisa ee Baqdaad.







FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.
 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items