Askari Itoobiyaan ah oo ku dhintay weerar ka dhacay Qansaxdheere.

Wednesday January 01, 2020 - 10:14:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Itoobiyaan ah oo ku dhintay weerar ka dhacay Qansaxdheere.

    Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee dhaca Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay weerar khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka maamulka 'Koonfur Galbeed'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore ciidamo Itoobiya looga dilay Galguduud
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee dhaca Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay weerar khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka maamulka 'Koonfur Galbeed'.


Qarax ka dhacay afaafka hore ee saldhigga ciidamada Xabashida ee degmada Qansaxdheere waxaa ku dhintay Askari Itoobiyaan ah iyo mid kale oo Soomaali ah, dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqleen jugta qaraxa kadibna waxaa xigay rasaas ay furayeen ciidamada la weeraray.

Dhinaca kale xoogaga Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhig ay maleeshiyaadka Koonfur Galbeed uga sugnaayeen deegaanka Carra Guduud ee duleedka magaalada Baydhabo.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga weerarka qaaday ay lawareegeen deegaankii lagu dagaallamay balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor'imaadka.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.
 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items