Dibad baxayaasha Shiicada oo baneeyay Hareeraha Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad.

Wednesday January 01, 2020 - 15:04:55 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad baxayaasha Shiicada oo baneeyay Hareeraha Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad.

    Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Shiicada iyo taageerayaashoodu ay isaga baxeen hareeraha dhismaha safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad oo shalay ay qabsadeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Shiicada iyo taageerayaashoodu ay isaga baxeen hareeraha dhismaha safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad oo shalay ay qabsadeen.


Ciidamo katirsan kuwa qaabilsan ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa awood u adeegsaday dibad baxayaasha waxayna ugu dambeyn ku qasbeen in ay dib ugu gurtaan safaaradda.

Afhayeen u hadlay Maleeshiyadka Xashdiga ayaa sheegay in taageerayaashooda aan hubeysnayn ay isaga bexeen hareeraha safaaradda Mareykanka ayna soo gaba gabeeyeen dibad baxyadii ka dhanka ahaa dowladda Mareykanka.


Wariyaal ayaa soo sheegay in ciidamada ammaanka xukuumadad Ciraaq ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta hareeraha dhismaha safaarada Mareykanka, saraakiisha kooxda Xashdiga waxay ku hanjabeen in markale ay taageerayaashooda abaabuli doonaan ayna hareeraynayaan dhammaan saldhigyada ciidamada Mareykanka ee dhulka labada wabi.

Xiisadahan udhaxeeya Shiicada iyo Mareykanka ayaa yimid kadib markii ciidanka cirka xukuumadda Washington ay maalintii Jimcaha duqeyn ku dileen 25 kamid ah maleeshiyaadka Xashdiga Shiicada ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay weerareen saldhigyo Americanku leeyahay.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.
 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items