Baarlamaanka Turkiga oo meel mariyay Qaraar dhigaya in Melleteriga Turkiga ay ku duullaan Liibiya.

Thursday January 02, 2020 - 19:27:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Turkiga oo meel mariyay Qaraar dhigaya in Melleteriga Turkiga ay ku duullaan Liibiya.

    Kadib kulan magaalada Anqara ay ku yeesheen Xildhibaannada baarlamaanka dowladda Turkiga ayay ku meel mariyeen qaraar dhigaya in ciidamo Turki ah loo daad gureeyo wadanka Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib kulan magaalada Anqara ay ku yeesheen Xildhibaannada baarlamaanka dowladda Turkiga ayay ku meel mariyeen qaraar dhigaya in ciidamo Turki ah loo daad gureeyo wadanka Liibiya.


Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayay inkabadan 325 xildhibaan ucodeeyeen in ciidamo Melleteri loo diro wadanka Liibiya si ay utaageeraan Xukuumadda Midnimada Qaran (Alwifaaq) ee fadhigeedu yahay magaalada Daraabulis.

Wakaaladda Wararka ufaafisa Turkiga ayaa sheegtay in 184 xildhibaan oo ubadan Xisbiyada Mucaaradka ah ay kasoo horjeesteen qaraarkan oo ay soo gudbisay madaxtooyada Turkiga.

Qaraarkan ayaa dhigaya in Turkigu uu xukuumadda Alwifaaq ka taageero dhan walba sida Barriga,badda iyo Cirka taas oo ka dhigan in Turkigu uu ku lug lahaan doono loollanka awoodeed ee wadankaasi ka socda.


Dhinaca kale Ururka Jaamacadda Carabta ayaa walaac ka muujiyay go'aanka uu gaaray baarlamaanka Turkiga, Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa xukuumadda Anqara ku eedeeyay in ay ku xadgudubayso madax banaanidda Liibiya islamarkaana ay wiiqayso dadaalladii dib uheshiisiinta ee wadankaas.

Tallaabadan ay Turkiya ugu tafa xaydanayso faragelin melleteri oo ay Liibiya ku sameyso ayaa imaanaysa xilli dagaal ooge Khaliifa Xaftar uu dadaal ugu jiro sidii uu wadanka oo idil uqabsan lahaa isagoo taageera ka helaya inta badan dowladaha Khaliijka iyo Faransiiska.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

 
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items