Dadka ayaa ka cabanayay burburin ay goobahooda ganacsiga ku sameeyeen
maleeshiyaadka dowladda gaar ahaan kuwa ka howlgala Isgoyska Ex.Control Afgooye
oo dhawaan uu ka dhacay qarax khasaara badan dhaliyay.
Iskusoo baxayaasha ayaa wadada laamiga ah ku gubay Taayarro waxayna ku
dhawaaqayeen Erayo ka dhan ah dowladda Federaalka.
Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda Federaalka ah iyo wasiirrada amniga ku
shaqada leh ayaan ka qayb gelin banaan bax Awr kacsi ahaa oo dowladdu u
arkeysay in ay uga fa’iideysay karto shacabka Muqdisho si ay uga dhigato xaabo
ay dabka ku shidato maadaama qaraxii dhawaan ka dhacay Ex.Control Afgooye dadkii
ku dhintay ay kamid ahaayeen 23 qof Shacab ah.
Banaan baxa oo ka dhacay Iskoola Boliisiya waxaa tagay
dad aad u yar marka loo eego dada caasimadda ku nool oo lagu qiyaaso in ka
badan sedax milyan iyo bar waxaaan ka qayb galayaashiisu u badnaayeen dadka ka
tirsan maamulka gobalka Banaadir.
lama shaacin sababta madax dowladda Federaalku u
baaqdeen laakiin waxaa loo aanaynayaa laba midkood Koow in ay amnigooda u
cabsadeen iyo Labo in ay bahdilaad u
arkeen in ay tirada aadka u yar oo
maamulkooda uun ka tirsan u khudbeeyaan.
Dadka Muqdisho ayaa dowladda Federaalka u arka ina y
cadaw ku tahay maadaama ay ilihii dhaqaalaha shisheeye ku wareejisay jidadkadna
ka xiratay dhalinyaroodina xabsiyadu la ciir ciiryaaan iyadoo intaa ay dheer
tahay in ay dalkoo dhan shisheeye u gacan gelisay.
Qaraxa dhawaan ka dhacay ekis koontarool af gooye oo
muqdisho ku yaal waxaa ku dhintay 61 ruux oo isugu jira turkida boobka dhaqaale
soomaaliya ka wadda iyo ilaaladoodi iyo ciidamada dowladda federaalka ah.
Sidoo kale waxaa dhintay 23 shacab ah iyadoo tirada
guud ee dhaawacu tahay 69 ruux sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xarakada
Al Shabaab, hase ahaatee dowladda Federalaka ah ayaa isku dayaysay
in ay umadda ka raariddo in khasaaruhu shacabka u badnayahay ayna ka
xuntahay si ay arinkaas taageero ugu hesho.
Al Shabaab waxay ka tacsiyeysay
dadkii shacabka ahaa ee dhimashada iyo dhaawaca ku noqday qaraxaas geesta kale
waxay sheegtay in ay sii wadeyso jihaadka intii ay awooddana ka fogaaneyso
in shacacabka waxyeello soo gaarto.
Kuwa loo yaqaan Malaanmillayda ee waxma
garatada ah oo dowladdu ku shaqeysato ayaa kasoo dhax muuqday dibad baxa ka
dhacay hoolka Iskoola Boliisiyo waxaana halkaas hadallo ka jeediyay
Xildhibaanno uu kamid ahaa Daahir Amiin Jeesoow iyo Cumar Finish oo ku
magacaaban guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Daawo Video: Dibad bax ka dhan ah dowladda oo ka dhacay Ex.Control Afgooye.
Boqolaal qof shacab ah ayaa iskusoo baxyo ballaaran ka dhigay xaafado katirsan magaalada Muqdisho waxayna ugasoo horjeedeen dhac iyo boob ay ugeysteen ciidamada dowladda.