Jeneraal Qaasim Suleymaani Taliyihii Guutada Qudus ee Iiraan oo Baqdaad lagu dilay [Warbixin].

Friday January 03, 2020 - 11:26:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeneraal Qaasim Suleymaani Taliyihii Guutada Qudus ee Iiraan oo Baqdaad lagu dilay [Warbixin].

    Duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Baqdaad ayaa sababtay dhimashada Jeneraal sare oo katirsanaa melleteriga dowladda Shiicada Iiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Baqdaad ayaa sababtay dhimashada Jeneraal sare oo katirsanaa melleteriga dowladda Shiicada Iiraan.



Wararka ka imaanaya Ciraaq ayaa sheegaya in ciidamada Mareykanka ay dileen Jeneraal Qaasim Suleymaani oo ahaa taliyaha guutada Feylaq Qudus oo ah guuto Iiraan uqaabilsan dagaallada ka dhanka ah muslimiinta Sunniga caalamka gaar ahaan wadamada Carabta.

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay Jeneraal Suleymaani uu amarkiisa bixiyay Donald Trump.

Mas'uuliyiin katirsan xukuumadda Shiicada Ciraaq ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in diyaarad aan duuliye laheyn ay gaari nuuca raaxada ah ku duqeysay garoonka Baqdaad waxaana duqeynta ku dhintay Jeneraal Suleymaani iyo Abu Mahdi Al Muhandis oo ahaa ku xigeenkii hoggaamiyaha Maleeshiyaadka Xashdiga.



Jeneraalka ladilay ayaa ka yimid magaalada Dahraan ee Iiraan wuxuuna kasoo degay magaalada Baqdaad, saraakiisha Maleeshiyaadka Xashdiga waxay xaqiijiyeen in ay u aargudi doonaan hoggaamiyaasha laga dilay.

Dowladda Mareykanka ayaa sababta ay udishay Jeneraal Suleymaani ku sheegtay in uu halis ku ahaa ammaanka danaha Mareykanka ee Ciraaq iyo mandiqadda Bariga dhexe oo idil.

Saacado kadib markii ladilay Qaasim Suleymaani ayay dowladda Mareykanka amar kusiisay muwaadiniinteeda Ciraaq ku sugan in ay si degdeg ah wadankaas uga baxaan si ay uga badbaadaan jawaab celinta ka immaan doonta Iiraan.

Waa Kuma Qaasim Suleymaani?


Qaasim Suleymaani ayaa ku dhashay magaalada Qum sanadii 1955-dii wuxuu kamid ahaa saraakiisha ay sida aadka ah isugu dhowyihiin Aayatullaah Cali Khumeyni oo ah hoggaamiyaha Ruuxiga Iiraan.

Tan iyo markii uu soo hana qaaday wuxuu usha uhayay hoggaaminta maleeshiyadka Shiicada ah ee dibadda ka dagaallama kuwaas oo loo yaqaan Liwaa' Alqudus.


Todobadii sanadood ee lasoo dhaafay ayuu Qaasim hayay muhiimadda ugu weyn ee Iiraan ku leedahay dibadda oo ah in dhulalka Muslimiinta Sunniga ah lagu faafiyo Fikirka baadilka shiiciga ah lagana hortago kacdoonadii Guga Carabta ee afka ciidda loogu daray dawaaqiiddii madaxa adkaa ee dowladaha Carabta maamulayay.

Suleymaani wuxuu kumanaan maleeshiyaad ah udaad gureeyay wadamada Ciraaq, Suuriya iyo Lubnaan waxayna maleeshiyaadkaas oo boqolaal kun ah ay dagaal ba'an lagaleen xoogagga Sunniga ah.

Jeneraalkan ladilay ayaa sanaddii 2012 amar kusiiyay maleeshiyaadka Ururka Xisbullaah in ay farageliyaan Suuriya isagoona maleeshiyaad shiico ah kasoo daad gureeyay daafaha caalamka islamarkaana kula dagaallamay muslimiinta Sunniga ah.

Sanaddii 2014 wuxuu Ciraq ka abaabulay maleeshiyaadka loo yaqaan Xashdiga isagoo iclaamiyay dagaal aan loo aaba yeelin oo ka dhan ah muslimiinta Sunniga ah, maleeshiyaad Iiraaniyiin ah oo xuduud beenaadka kasoo tallaabay ayaa qabsaday gobollada Salaaxudiin,Al Anbaar iyo Dayaala halkaas oo kumanaan Sunni ah ku gummaadeen.

Qaasim Suleymaani wuxuu ahaa dilaa dilkiisana waxaa ku farxi doono muslimiinta Sunniga ah ee ku dhaqan Ciraaq iyo Shaam, sababta uu Mareykanku udilay ayaa lagu sheegay weerarkii qarbudaadda ah ee isbuucii lasoo dhaafay ay Kooxo shiico ah ku qaadeen safaaradda Mareykanka ee Baqdaad.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items