Ciidamo American iyo Soomaali ah oo lagu weeraray deegaan katirsan Sh/Hoose.

Saturday January 04, 2020 - 12:16:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo American iyo Soomaali ah oo lagu weeraray deegaan katirsan Sh/Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose.


Wararka ka imaanaya duleedka deegaanka Bariire ayaa sheegaya in dagaallo culus ay halkaas ku dhaxmareen ciidamo huwan ah oo isugu jiray Mareykan iyo kuwa Bangaraafta loo yaqaan ee lagu tababaray Balidoogle iyo xoogaga Al Shabaab.

Dagaalka oo saacado badan qaatay wuxuu ka dhacay banaanka tuulada Booloow oo ku dhow deegaanka Bariire, Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay dagaalka ku jebiyeen maleeshiyaadka Bangaraafta oo ay la socdeen saraakiil dagaal geliyayaal American ah.


Wararku waxay sheegayaan in dagaalka khasaara lixaad leh dhabarka loogu saariyay ciidamadii huwanta ahaa, diyaarado dagaal oo dowladda Mareykanka leedahay ayaa dagaalka ka qeyb qaadanayay balse kuma guuleysan in dagaalyahananda Al Shabaab ka hor istaagaan beegsiga ciidamadii huwanta ahaa.

Gobolka Sh/Hoose waxaa ka socda loollan udhaxeeya muslimiinta iyo ciidamada shisheeye oo ay ka barbar dagaallamaan maleeshiyaad dabadhilifyo soomaali ah

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.
 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items