Dowladda Shiicada Iiraan oo sheegtay in ay ka Aargoosan doonto Mareykanka.

Saturday January 04, 2020 - 12:33:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Shiicada Iiraan oo sheegtay in ay ka Aargoosan doonto Mareykanka.

    Mas'uuliyiin sarsare oo u hadlay dowladda Shiicada Iiraan ayaa sheegay in ay u aargudayaan Jeneraal Qaasim Suleymaani oo shalay Mareykanku ku dilay magaalada Baqdaad ee casimadda Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiin sarsare oo u hadlay dowladda Shiicada Iiraan ayaa sheegay in ay u aargudayaan Jeneraal Qaasim Suleymaani oo shalay Mareykanku ku dilay magaalada Baqdaad ee casimadda Ciraaq.


Taliye ku xigeenka ciidamada ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa warbaahinta u sheegay in ay ku mashquulsanyihiin diyaarinta weerar aargudasho ah kaas oo ka dhan ah dowlada Mareykanka.

Iiraan waxay sheegtay in dhambaal qoraal ah uu Mareykanku usoo diray isagoo usoo marsiiyay Safiirka dowladda Sweezerland ee magaalada Tahran, xukuumadda Washington ayaa ka codsaday Iiraan in aysan qaadin jawaab celin ka sarraysa dilkii Jeneraal Suleymaani.


"Farriin uu Mareykanku noosoo marsiiyay safiirka Sweezerland wuxuu naga codsaday in aanan sameyn aargoosi ka sarreeya Jeneraal Qaasim balse anagu taas waa diidnay oo jawaab celin adag ayaan bixi doonaa" ayuu yiri taliye ku xigeenka ciidanka ilaalada Kacaanka Iiraan.

Indhaha caalamka ayaa kusii jeeda dalka Iiraan iyo qaabka uu uga jawaabi doono dilkii Qaasim Suleymaani oo ahaa Jeneraal dilaa Shiici ah kaas oo gummaad ku hayay muslimiinta sunniga ah ee ku dhaqan wadamada Ciraaq,Suuriya,Lubnaan iyo Yemen.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.
 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items