Weeraro madaafiic ah oo lagu qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee dalka Ciraaq.

Saturday January 04, 2020 - 20:26:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro madaafiic ah oo lagu qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee dalka Ciraaq.

    Jugta qaraxyo xooggan oo is xigxigay ayaa caawa laga maqlay magaalada Baqdaad ee caasimadda wadanka Ciraaq halkaas oo ay ka jiraan xiisado amni iyo kuwa siyaasadeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jugta qaraxyo xooggan oo is xigxigay ayaa caawa laga maqlay magaalada Baqdaad ee caasimadda wadanka Ciraaq halkaas oo ay ka jiraan xiisado amni iyo kuwa siyaasadeed.


Saraakiisha Booliska Xukuumadda Ciraaq ayaa xaqiijiyay in dhowr madfac ay ku dhaceen Khadka Cagaaran ee Baqdaad halkaas oo ay kutaal dhismaha safaaradda Mareykanka.

lama sheegin khasaaraha ka dhashay madaafiicdan dhinaca kale sawaariikh ayaa lagu weeraray saldhigga ciidanka Mareykanka ee deegaanka Balad gobolka Salaaxudiin oo dhaca waqooyiga Ciraaq.

Ilo wareedyo amni waxay sheegeen in sawaariikhda loo yaqaan Kaatiyooshaha lagu weeraray saldhigga Balad oo ay ku suganyihiin boqolaal katirsan ciidamada dowladda Mareykanka, weeraradan ayaa imaanaya xilli dowladda Shiicada Iiraan ay ku hanjabtay in ay u aargudi doonto Jeneraal Qaasim Suleymaani


FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.
 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items