Al Shabaab Oo Weerar Xooggan Ku Qaaday Saldhig Ciidamada Mareykanka iyo Kenya Ku leeyihiin Lamu. (Akhriso Bayaan).

Sunday January 05, 2020 - 06:42:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerar Xooggan Ku Qaaday Saldhig Ciidamada Mareykanka iyo Kenya Ku leeyihiin Lamu. (Akhriso Bayaan).

    War goordhow kasoo baxay xafiiska warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in aroornimadii hore ee saaka oo Axad ah ciidamada aad u hubeysan oo katirsan guutada Istish-haadiyiinta ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig ay wada dag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War goordhow kasoo baxay xafiiska warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in aroornimadii hore ee saaka oo Axad ah ciidamada aad u hubeysan oo katirsan guutada Istish-haadiyiinta ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig ay wada dagan yihiin ciidamada badda Mareykanka iyo kuwa Kenya, islamarkaana uu dagaal xoogan ka socda gudaha xerada sida lagu sheegay bayaan ku qornaa luuqadaha Carabiga iyo Enlgish-ka oo goordhow kasoo baxay maktabka warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab.


Weerarka ayaa ka dhacay saldhigga ciidamada ee loo yaqaano SIMBA kuna yaalla deegaanka "Manda Bay" ee gobolka Lamu. Waxaa Saldhigga ku sugan boqolaal ciidamo Mareykan ah kuwaas oo qayb ka ah ciidamada dagaalka saliibiga ah ka wada gobolkan bariga Afrika, sida lagu sheegay bayaan Al-Shabaab.

"Aroornimadii hore ee saaka oo axad ah, ciidamo gaar ah oo katirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar halyeeynimo ku qaaday saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee loo yaqaano Camp Simba. Saldhigan oo ku yaalla deegaanka Manda Bay ee dhanka koonfureed kaga beegan xad-beenaadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa hooy u ah boqolaal kamid ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya, waana mid ka mid ah saldhigyada laga soo qaado duullaanada saliibiga Mareykanka ee ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta ee kasocda gobolka” ayaa lagu yiri bayaanka.



War Saxaafadeedka kasoo baxay XarakadaAl-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidankooda ay u suuragashay in ay si qarsoodi ah ku galaan gudaha cadowga islamarkaana xoog ku galaan saldhigaas militari ee sida aadka ah loo ilaaliyo, iyagoona sheegay in uu hadda dagaalku ka socdo gudaha saldhigga lana wareegeen qeybo ka mid ah xerada.


"Allaah fadligii, Dagaalyahanada Mujaahidiintu waxay ku guuleysteen inay si qarsoodi ah kaga gudbaan sufuufta cadowga, ayna weeraraan saldhigaas aadka loo ilaaliyo, waxayna hadda la wareegeen qeybo ka mid ah xerada, iyagoo sidoo kalena khasaare lixaadleh gaarsiiyey ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenyaatiga ee halkaas dagan” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Warka kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu jiro khasaare hordhac ah soo gaaray ciidamadii la weeraray islamarkaana ay dagaalyahanadoodu burburiyeen agabkii militari ee yaalay xerada oo ay ku jiraan diyaarado dagaal iyo gaadiid ciidan islamarkaana uu dagaalku weli socdo.

Ugu dambeyntii Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu weerarkan qeyb ka yahay olole dagaaleedka barakeysan ee loogu magacdaray "Qudus Lama Yahuudeynayo” ee lagu beegsanayo Mareykanka iyo danahiisa gobolka.

Halkan ka degso Bayaanka oo luqadda English-ka ku qoran PDF



Lasoco wixii warar ah ee kusoo kordha weerarkaasi.

Related Items