Weerarka Al-Shabaab ee Lamu oo galay Saacadii 6aad & Faahfaahino Dheeraad ah oo soo baxaya.

Sunday January 05, 2020 - 10:13:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerarka Al-Shabaab ee Lamu oo galay Saacadii 6aad & Faahfaahino Dheeraad ah oo soo baxaya.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar xoogan oo Inqimaasi ah ku qaaday saldhig ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka lagu magacaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar xoogan oo Inqimaasi ah ku qaaday saldhig ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka lagu magacaabo Manda Bay oo ku yaalla xeebaha gobolka Lamu, iyadoona halkaas uu ka dhashay khasaare xoogan oo soo gaaray ciidamada wadajirka ah ee la weeraray.


War kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidankooda ay ku guuleysteen inay gudaha u galaan xerada, halkaasna xabadda ka bilaabaan, iyagoo tilmaamay inay beegsadeen saldhig lagu magacaabo "Camp Simba" oo ay wada dagan yihiin ciidamada badda ee Mareykanka iyo kuwa Kenya.

Weerarka oo ah mid aad u xoogan ayaa weli kasocda gudaha saldhigga waxaana uu galay saacadiisii 6aad, iyadoo ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka aysan ilaa hadda u suuragalin inay soo afjaraan weerarka.


Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa Muujinayey gawaarida gaashaaman ee Mareykanka ee loo yaqaano Harmers-ka oo gaaf wareegaya saldhigga, uuro iyo qiic xoogan oo kasoo baxaya gudaha xerada.



Related Items