Diyaaradaha Mareykanka Oo Duqeynaya Saldhigga Camp Simba & Rasaas Xoogan Oo Kasocota Gudaha Xerada (FAAHFAAHIN).

Sunday January 05, 2020 - 10:25:05 in Wararka
  • Visits: 2864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Mareykanka Oo Duqeynaya Saldhigga Camp Simba & Rasaas Xoogan Oo Kasocota Gudaha Xerada (FAAHFAAHIN).

    Ciidamada Mareykanka iyo Kuwa Kenyaatiga ayaa markii ay ku guuldareysteen inay soo afjaraan weerarkii Al-Shabaab ee saldhigga Camp Simba waxay dalbadeen gurmad dheeraad ah waxaana hadda goobta soo gaaray diyaarado dagaal oo kasoo duulay dhanka badda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Mareykanka iyo Kuwa Kenyaatiga ayaa markii ay ku guuldareysteen inay soo afjaraan weerarkii Al-Shabaab ee saldhigga Camp Simba waxay dalbadeen gurmad dheeraad ah waxaana hadda goobta soo gaaray diyaarado dagaal oo kasoo duulay dhanka badda kuwaas oo duqeyn ku bilaabay xerada.


Dagaal culus iyo rasasa xoogan ayaa kasocota gudaha xerada, halkaas oo ay ku wada dagaalamayaan ciidamada Al-Shabaab iyo askarta Mareykanka ee ku sugan gudaha xerada.

Diyaaradaha dagaalka oo ku jahawareersan qaab ay ku kala soocaan dagaalamayaasha ayaa la sheegayaa inay gantaallo ku garaacayaan gudaha iyo hareeraha xerada taas oo ay suuragal tahay inay khasaare u geysato ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenyaatiga ee ku sugan xerada.


Afhayeenka ciidanka Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa Shabakada SomaliMeMo u sheegay inay dagaalyahanadoodu caafimaad qabaan welina socoto xabadda, isagoo tilmaamay in diyaaradaha soo gurmaday aysan wax saameyn ah ku yeelan howlgalka ay halkaas ka wadaan ciidankooda.

"Dagaalka wuxuu galay saacadiisii lixaad. Mujaahidiinta waxay haystaan qayb kamid ah xerada, ciidamada Maraykanka iyo kuwa Kenyaatiga ahna dhinac kale ayay iskugu tageen. Diyaarado ayaa ka qayb qaadanaya dagaalka kuwas oo duqayn ka wada qaybo kamid ah xerada. Sidaas waxaa SomaliMeMo u sheegay afhayeenka ciidamada Sh. Cabdi Casiis Abu Muscab.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada  Al-Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar xoogan oo Inqimaasi ah ku qaaday saldhig ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka lagu magacaabo Manda Bay oo ku yaalla xeebaha gobolka Lamu, iyadoona halkaas uu ka dhashay khasaare xoogan oo soo gaaray ciidamada wadajirka ah ee la weeraray.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.
 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items