Al Shabaab oo sheegtay in 17 askari American ah ay ku dishay Weerarkii Lamu Kenya [Bayaan].

Sunday January 05, 2020 - 19:00:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegtay in 17 askari American ah ay ku dishay Weerarkii Lamu Kenya [Bayaan].

    Waxaa soo gaba gaboobay weerarkii aadka u xooganaa ee saaka aroortii hore ka bilaawday saldhigga Melleteri ee Simba Camp kaasi oo ku yaal gacan Manda Bay ee gobolka Lamu dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

holac ka baxaya saldhigga Simba ee gobolka Lamu
Waxaa soo gaba gaboobay weerarkii aadka u xooganaa ee saaka aroortii hore ka bilaawday saldhigga Melleteri ee Simba Camp kaasi oo ku yaal gacan Manda Bay ee gobolka Lamu dalka Kenya.


Bayaan kasoo baxay xafiiska warfaafinta Al Shabaab ayaa lagu faah faahiyay khasaara hantiyadeed iyo midka maaliyadeed ee ka dhashay weerarka oo qaatay wax ka badan 10 saacadood  xiriir ah.

Al Shabaab waxay sheegtay in weerarka ay ku dishay 17 askari American ah iyo 9 katirsan melleteriga Kenya ee (KDF) loo yaqaan, tirada diyaaradaha lagu burburiyay weerarka ayay Al Shabaab ku sheegtay 7 diyaaradood iyo in kabadan 5 gaari oo kuwa melleteriga ah.


Bayaanka kasoo baxay Al Shabaab waxaa lagu xaqiijiyay in qeyb weyn oo kamid ah saldhigga Simba ee gobolka Lamu uu ku gubtay weerarkii maanta dhacay, sidoo kale bayaanka waxaa lagusoo hadal qaaday sida gabi dhaclaynta ah ee taliska ciidanka Mareykanka Afrika uu uga hadlay weerarkii maanta dhacay.




Related Items