Mareykanka oo xaqiijiyay in Askar looga dilay Weerarkii Saldhigga Simba ee gobolka Lamu.

Monday January 06, 2020 - 07:42:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo xaqiijiyay in Askar looga dilay Weerarkii Saldhigga Simba ee gobolka Lamu.

    Dowladda Mareykanka ayaa faah faahisay khasaaraha ka dhashay weerarkii aadka u xooganaa ee shalay ka dhacay saldhig melleteri oo kuyaal gobolka Laamu ee dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore sarkaal American ah oo ku sugan saldhigga Simba
Dowladda Mareykanka ayaa faah faahisay khasaaraha ka dhashay weerarkii aadka u xooganaa ee shalay ka dhacay saldhig melleteri oo kuyaal gobolka Laamu ee dalka Kenya.


Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ee loosoo gaabiyo (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in sedax askari American ah lagu dilay weerarka 2 kalane ay dhaawacyo soo gaareen.

AFRICOM waxay bayaankeeda oo aad udheeraa ku qirtay in xubnaha laga dilay mid kamida uu ahaa askari halka labada kale ay ahaayeen qandaraaslayaal katirsan wasaaradda difaaca taas oo ka dhigan in xubnaha goobta looga dilay ay saraakiil ahaayeen.


Sidoo kale Mareykanku wuxuu xaqiijiyay in diyaarado looga burburiyay weerarka balse wuxuu isku dayaye in uu yareeyo khasaarihii baaxadda lahaa ee kasoo gaaray weerarkii shalay ka dhacay saldhigga Simba ee degmada Manda Bay.

Bayaan xalay kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku xaqiijisay in uu soo gaba gaboobay weerarkii Lamu waxayna dhimashada askarta American-ka ah ku sheegtay 17 Askari American ah iyo 9 askari Kenyaan ah.


FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.
 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items