Sarkaal katirsanaa ciidamada isku dhafka gobolka Mudug oo Gaalkacyo lagu dhaawacay.

Monday January 06, 2020 - 07:20:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsanaa ciidamada isku dhafka gobolka Mudug oo Gaalkacyo lagu dhaawacay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.


Wararka ka imaanaya Mudug ayaa sheegaya in sarkaal sare oo katirsan ciidamada maamulka Puntland uu ku dhaawacmay qaraxa oo lala beegsaday gaari nuuca raaxada ah.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dhaawac halis ah uu gaaray Cabdi Casiis Faarax Maxamed Istakiin oo ahaa madaxii saadka ciidamada isku dhafka ah ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo.

Goob joogayaal ku sugan waqooyiga  Gaalkacyo ayaa warbaahinta u sheegay in markii qaraxu dhacay kadib ay goobta soo gaareen ciidamo katirsan maamulka 'Puntland' iyagoona goobta ka qaaday dhaawaca sarkaalka.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.
 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items