Dhageyso: Diyaaradaha Kenya oo Shacab ku Xasuuqay gobolka Jubbada Hoose.

Monday January 06, 2020 - 11:35:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Diyaaradaha Kenya oo Shacab ku Xasuuqay gobolka Jubbada Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xagga cirka ah oo diyaaradaha dagaalka dowladad Kenya ay ka geysteen deegaan kulaala xuduu beenaadka uu gobolka Jubbada Hoose lawadaago dhulka NFD ee Kenya gummeysato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xagga cirka ah oo diyaaradaha dagaalka dowladad Kenya ay ka geysteen deegaan kulaala xuduu beenaadka uu gobolka Jubbada Hoose lawadaago dhulka NFD ee Kenya gummeysato.


Duqeynta oo dhacday habeen hore ayaa sababtay dhimashada sedax qof kuwaas oo ahaa xoola dhaqato ku sugnaa miyiga deegaanka Diif ee Jubbada Hoose, ilo wareedyo ayaa sheegaya in diyaarado ay leedahay dowladda Kenya ay dhowt gantaal laheleen dad xoola dhaqata ah iyo xoolihii ay dhaqanayeen.

Duqeynta ayaa dhacday xilli xoolaha Lo'da lagu miriyay dhul daaqsimeed 45 KM ujira deegaanka Diif, laba carruur ah oo Lo'da daajinayay iyo qof dumar ah ayaa la xaqiijiyay in ay duqeynta ku dhinteen.


Mid kamida dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dadkii ku dhaawacmay duqeynta loo yaqaan Isbitaalka degmada Dhoobleey, khasaaraha kale ee duqeyntan ka dhashay ayaa ah 21 neef Lo'o ah oo ku bakhtiday.

Dowladda Kenya ayaa caan ku ah xasuuqa ay dadka xoola dhaqatada ah ugu geysato gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.

Halkan ka degso goob jooge ka hadlaya duqeynta MP3

Related Items