Sawirro: Mid kamida Askartii Mareykanka looga dilay Weerarkii Lamu oo xogtiisa lafaafiyay.

Monday January 06, 2020 - 12:17:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Mid kamida Askartii Mareykanka looga dilay Weerarkii Lamu oo xogtiisa lafaafiyay.

    Waxaa lafaafiyay macluumaad ku saabsan qaar kamid ah ciidamada dowladda Mareykanka looga dilay weerarkii aadka u xooganaa ee shalay ka dhacay saldhigga Simba Camp ee gobolka Lamu wadanka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa lafaafiyay macluumaad ku saabsan qaar kamid ah ciidamada dowladda Mareykanka looga dilay weerarkii aadka u xooganaa ee shalay ka dhacay saldhigga Simba Camp ee gobolka Lamu wadanka Kenya.


Baraha internetka ayaa lagu faafiyay sawirka iyo magaca mid kamida ciidamadii weerarka lagu dilay, mid kamida askartan ayaa lagu magacaabaa Mitch Mayfield waa 23 sana jir kasoo jeeda gobolka Chicago.




Ehellada Askarigan Americanka ah waxay sheegeen in uu tababar melleteri ku qaatay garoonka diyaaradaha fort Rucker, dad uu saaxiiba la ahaa askarigan ayaa murugo la illimeeyay markii uu gaarayay warka sheegaya geeridiisa.

Taliska ciidanka Mareykanka Africom ayaa xalay xaqiijiyay in sedax askari looga dilay weerarkii shalay ka dhacay gobolka Lamu balse Al Shabaab ayaa iclaamisay in ay weerarka ku dishay 17 askari American ah iyo 9 askari Kenyaan ah.



Related Items