Farmaajo oo Kenya iyo Mareykanka u tacsiyeeyay Askartii looga dilay Weerarkii Saldhigga Lamu.

Monday January 06, 2020 - 12:34:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo Kenya iyo Mareykanka u tacsiyeeyay Askartii looga dilay Weerarkii Saldhigga Lamu.

    Hoggaanka ugu sarreya dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka xunyahay weerarkii khasaaraha lagu gaarsiiyay Mareykanka iyo Kenya ee shalay ka dhacay gobolka Lamu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka ugu sarreya dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka xunyahay weerarkii khasaaraha lagu gaarsiiyay Mareykanka iyo Kenya ee shalay ka dhacay gobolka Lamu.


Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Max'med Cabdullaahi Farmaajoa ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid ay ka xumaadeen ayna cambaaraynayaan in waxyeello lagaarsiiyo saaxiibadooda Mareykanka iyo Kenya.

iyadoo la ogyahay in weerarkaas uu ahaa mid guulaystay islamarkaana lagu dilay askar American iyo Kenyaan ah ayuu Farmaajo ku sheegay mid fulaynimo oo layska caabiyay!

"Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya waxay dhalleeceyneysaa weerarka fulaynimada ah ee lala beegsaday ciidamada isku dhafka ah ee Kenya iyo Mareykanka ee fadhigoodu yahay garoonka Manda Bay Airfield oo ku yaalla gobolka lamu ee dalka Kenya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.


Dowladda Federaalka oo caan ku ah in dabadhilifnimo ayaa waxyeellaynta ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya u aragta fal argagaxiso iyadoo aan wax war ah ka dhihin duqeymaha ay diyaaradaha labadan dowladood ku xasuuqaan shacabka Soomaaliyeed.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xaqiijineysaa taageero buuxda oo ku aaddan dadaallada socda ee lagu ciribtirayo argaggixisada, waxaana sii wadi doona wada shaqeynta aan la leenahay saaxiibadayada gobolka iyo kuwa caalamiga ah” ayaa markale lagu yiri warka Farmaajo kasoo baxay.

Related Items