Daawo Video: Dab gallaaftay Nolosha 24 qof oo ka socda wadanka Australia.

Monday January 06, 2020 - 16:07:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Dab gallaaftay Nolosha 24 qof oo ka socda wadanka Australia.

    Xaalad adag ayaa ka taagan wadanka Australia kadib markii uu ka kacay dab si xowlli ah ku socda kaas oo baabi'inaya noolaha iyo geedaha waxaana lasoo saaray digniino hor leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad adag ayaa ka taagan wadanka Australia kadib markii uu ka kacay dab si xowlli ah ku socda kaas oo baabi'inaya noolaha iyo geedaha waxaana lasoo saaray digniino hor leh.

Wasiirka arrimaha gudaha Australia ayaa sheegay in la baneeyay magaalooyin waaweyn kadib markii dabku uu kusoo dhawaaday, malaayiin qof oo ka barakacay dabka ayaa dulsaar ku ah magaalooyinka kale ee dabku uusan wali gaarin.

Ugu yaraan 24 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dabka waxaana bakhtiyay malaayiin Xayawaan ah oo isugu jira kuwa duula iyo kuwa Naaleeyda ah, wasaaradda Bay'ada Australia ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dabku uu gubay dhul dherirkiisu yahay 60 Kun oo Kiiloow mitir.


Muwaadin Soomaali ah oo ku sugan wadanka Australia ayaa ka sheekeeyay musiibada ku habsatay wadankaas.

Halkan ka degso Wareysiga ama hoos ka Daawo


Related Items