Maleeshiyaadka Xaftar oo dagaal ku galay magaalada Sirta ee dalka Liibiya.

Tuesday January 07, 2020 - 11:24:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaadka Xaftar oo dagaal ku galay magaalada Sirta ee dalka Liibiya.

    Dagaallo culus ayaa ka qarxay magaalada Sirta oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn wadanka Liibiya ee dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa ka qarxay magaalada Sirta oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn wadanka Liibiya ee dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.


Wararka ka imaanaya Liibiya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka dagaal Ooge Khaliifa Xaftar ay lawareegeen xaafado katirsan magaaladan oo horay ay umaamulayeen ciidamo taabacsan xukuumadda Alwifaaq.

Afhayeen u hadlay maleeshiyaadka Xaftar ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadoodu ay dagaal kedis ah ku qaadeen Sirta taas oo sababtay in ay qabsadaan xaafado iyo saldhigyo muhiim ah.

Ilo wareedyo ayaa telefeshinka Afka Carabiga ku hadla ee Al Jazeera u sheegay in kooxo taageersan tayaarka Salafiyada Mad-khaliga ay Xaftar usahleen in uu magaalada Sirta galo kadib markii ay khiyaameeyeen ciidamada xukuumadda Alwifaaq.


Magaalada Sirta ayaa qiyaastii 550 KM dhanka bari uga beegan magaalada Caasimadda ah ee Daraabulis waana magaaladii uu ku dhashay Mucamar Alqadaafi madaxweynihii hore ee Liibiya.

Mas'uul uhadlay xukuumadda Alwifaaq ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda lagala wareegay saldhigyo kuyaal magaalada Sirta isagoo ku eedeyay saraakiisha dowladda qaarkood ay in ay ku kaceen khiyaano oo ay la safteen Xaftar.


Related Items