Khaarajinta Qaasim suleymaani iyo saameynta ay ku yeelan karto mandiqada bariga dhexe [Warbixin].

Tuesday January 07, 2020 - 11:46:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Khaarajinta Qaasim suleymaani iyo saameynta ay ku yeelan karto mandiqada bariga dhexe [Warbixin].

    Dunida aynu ku nool nahay waxa waligeed ka jirey loollan u dhexeeya xaqqa iyo baadilka, basharkuna waxa ay isku hayaan waa diin iyo dal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dunida aynu ku nool nahay waxa waligeed ka jirey loollan u dhexeeya xaqqa iyo baadilka, basharkuna waxa ay isku hayaan waa diin iyo dal. Dhaqaaluhu waa khad ka farcama dalka, halka life style-ka ama habka loo noolaanayaana ay la xidhiidho diinta. Intaa haddii aynu fahamnay aynu u nimaadno marka hore bariga dhexe iyo sida uu u yaallo, Mandiqada ugu waxsoosaarka badan saliidda qaydhiin waxa ay ka kooban tahay 17 dal oo kala ah:

• Yemen
• Imaaraat
• Turki
• Suuriya
• Sacuudi
• Qatar
• Falastiin
• Cummaan
• lubnaan
• kuwayd
• Urdun
• Israaiil
• Ciraaq
• Iiraan
• Masar
• Baxrayn
• Jadiirada Qubrus.


Wadamadaasi inta badan waxa ay wadaagaan dhaqan, dhaqaale, isir iyo muuqaallo dhuleed xagga cimillada, dhanka afrika waxaa ku yaal waddanka Masar dhinaca Aasiyana waxaa u xiga iiraan, sidoo kale dhanka Yurub waxaa u xiga Turkey, dhanka badda Cas ama khaliijul barbar oo hadda loo yaqaan gacanka Cadan waxaa u xiga Yemen iyo Cummaan.

Muddo lagu qiyaaso labaatan sano ayaa laga joogaa burburkii awooddii USSR ee Ruushka, halkaas oo Mareykanku uu dunida ka noqday awood Weyn islamarkaana waxaa uu gacan sarreyn badan ku yeeshay mandiqada bariga dhexe.

Mudadii kacdoonnadu ay ka dhaceen wadamada Carabta Mareykanku wuxuu ku dhiig baxayay wadamo badan isaga oo horey ugusoo daalay dagaalladii Afgaanistaan, Soomaaliya iyo Ciraaq, Waxaa ku furmay furimo cusub oo ah dagaallada guud ahaan kooxaha islaamdoonka ahi ay kula jiraan Saliibiyiinta uu hormuudka uu uyahay Mareykanku.

Muxuu Saameyn yeelan karaa dagaal ka dhex qarxa Iran iyo Mareykanka?

Madaxweynaha haatan Mareykanka xukumaa waa ninkii ugu diblomaasiyadda xumaa ee abid soo mara mareykan sida la sheego, Wuxuu bedelay ereyadii loo yaqaanay "diplomatic War Words ” ama terminology-ga weedhaha dagaalka isaga oo intuu sarkaal sare oo dawladi leedahay dilay yidhi " We took actions last night to stop a war, we did not take action to start a war” waxaanu tallaabooyin u qaadnay xalaytoole si aan dagaal u joojinno, maaha si aan u billowno.Haddaba sidee sarkaal sare oo waddan tiir u ahaa dilkiisu u noqon karaa dagaal joojin?!.

Benyamin Natanyaahu oo isna ah saaxiibka ugu firfircoon ee Mareykan mandaqada ku leeyahay ayaa markiiba hambalyeeyay dilka jeneraalka lagu fuliyay isagoo sheegay in Qaasim Sulaymaani dad Mareykan ah iyo Kuwo shacab ahba uu laayay.

Haddaba qofkastoo Bina aadmi ahi waa yaqaan dagaal laba dawladood dhexmara natiijada ka dhalata ee bal aynu eegno natiijooyinka diblomaasiyadeed ee iyo dhaqaale ee ka dhalan kara dagaal qabow oo dhexmara Tehran iyo washington.

Iran waa dawlad ku taal bariga dhexe islamarkaana kamid ah ururka OPEC (organizational of petroleum exporting countries) ururka wadamada dhoofiya dhidaalka, ururkaasi waxa uu soo saaraa wax ku dhow kala badh shidaalka dunida iyo 80% boqolkiiba keydka shidaalka dunida.

Kala tagga ururkaasi saameyn buu ku yeelan karaa dhaqaalaha dunida. Iran dhaqaalaheeda ugu badan waxa ay ka heshaa batroolka taasoo qiimaheeda lagu qiyaaso 38bilyan oo dolar, wadamada ay u dhoofiso waxa kamid ah, Turkiga, China, India iyo North Korea kuwaasoo saameyn ku leh adduunyada.

Sidoo kale Iiraan waxa ay xidhiidh diblomaasiyadeed oo qoto dheer la leedahay Ruushka oo isna ah quwad aan la inkiri karin. Si kastaba ha ahaatee tallaabada laga filayo in ay Iiraan qaaddo waxa la rejaynayaa in aaney noqon mid caadifad ku saleysan oo qaadata wakhti yar. Aargoosigoodu wuxu qaadan karaa Isbuucyo, bilo ama sannado. Waxa calanka cas ee aargudashada laga taagey magaaladii uu ku dhashey Qaasim Suleymaani.

Mareykanka waxa la sheegaa in ciidamada ka jooga Ciraaq ay yihiin shankun iyo dheeraad kuwaas oo ku kala filiqsan xeryaha ciidamada dabo dhilifka ah ee Ciraaq taas oo ay adkaan doonto in si toosa loo beegsado ciidamo ameerikaan ah oo sooc ah. Sida uu sheegay taliyaha ciidanka kacaanka ilaalada iiraan Xuseen salaama: waxa aanu samayn doonnaa aargudasho taasoo sababi doonta in mareykanka laga saaro mamdiqada.

Iiraan waxa ay awood u leedahay iney maraakiib badan ka afduubato gacanka Hormus halkaas oo 20% dhaqaalaha dunidu maro, wasiiraada dibeda ee Ruushka iyo shiinaha ayaa iyagna gef weyn ku tilmaamay tallaabada uu qaadey mareykanku taasoo sababi karta iney is xigsiiyaan dhanka iiraan. Warbixinaha isa soo tarayaa waxa ay sheegayaan in saldhiga 82nd Airborne ee kuwayt uu ku leeyahay mareykanku uu kasoo daabuley ciidan fara badan. Ascaarta saliidaha ayaa iyadna kor u kacdey 4% intii xiisaddu bilaabantey.

Islaamiyiinta iyo saameynta mandiqada.

Dunida dhibkasta oo ka dhacda qowm ayay faa’iido u tahay, haddaba dagaalada dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee ka dhex socda wadamada si duwali ah loo ictiraafsan yahay wuxuu guul iyo rejo weyn u yahay maamulada iyo ururada hadda madaxa lasoo kacaya ee raba in la hirgeliyo shareecada islaamka. Boqolkii sanoba mar ayuu islaamku dib boodhka isaga jafaa oo baraarugaa,1916 ayay ahayd markii islaamka si toos ah xuduudaha loogu sameeyay. Heshiiskii saykis biko waxa uu si dhab ah u kala boodey waxyar uun ka hor 2016 taas oo la isu furey wadamo badan oo kala xidhnaa halka ay kasoo baxeen weedho aan hore loo maqli jirey ama dhegaha dadka ku yaraa, waa weedhaha ah "xuduud beenaadka”. Waxaana loo badinaayaa in 2024 ay dhalato khilaafo islaami ah oo awood badan taasoo ku beegan boqol guurada markii si toos ah looga takhalusay boqortooyadii cusmaaniyiinta ee islaamka meteli jirtey 1924.

Geeska afrika iyo arrimaha Mareykanka

Waxa la sheegaa ereyo caan ahaa oo uu lahaa sheekhii shahiidey sheekh Usaame raximahu-llaah: waa in meelkasta koox halgamaysa lagaga abuuraa mareykan si uu hoos ugu dhaco dhaqaalihiisa iyo macnawiyaadkiisa ciidameed. Hadda tii ayaa socota waxaana dhici karta in xuduudo badan la baabiiyo oo ay adduunyadu ka gudubto nidaamka States-ka dibna loogu noqdo nimaamkii khilaafooyinka ama boqortooyooyinka.

Wabillaahi Tawfiiq

W/Q: Wadaadyare Xaashi
Teacher and Somali Political analyser

Related Items