Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Askar Kenyaan ah lagu dilay oo ka dhacay Gobolka Gaarisa.

Tuesday January 07, 2020 - 12:28:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Askar Kenyaan ah lagu dilay oo ka dhacay Gobolka Gaarisa.

    Weerar khasaara badan dhaliyay ayaa markale lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada Kenya ay ku leeyihiin dhulka NFD ee Kenya ubixisay gobolka Waqooyi Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar khasaara badan dhaliyay ayaa markale lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada Kenya ay ku leeyihiin dhulka NFD ee Kenya ubixisay gobolka Waqooyi Bari.


Xoogag aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar qorshaysan ku qaaday saldhigga Booliska deegaanka Sareedo Bilcaan oo katirsan gobolka Gaarisa, war rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay ugu yaraan 2 askari Kenyaan ah.

"Ciidamada Mujaahidiinta ayaa xalay weerar guulaystay ka fuliyay deegaanka Sareedo Bilcaan oo hoos taga Gaarisa, mujaahidiintu waxay weerarka ku dileen 2 askari oo katirsan ciidamada Booliska dowladda Saliibiyadda Kenya waxayna gubeen saldhiggii deegaanka iyo xarunta shirkadda Safaricom" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Dowladda Kenya ayaa dhankeeda xaqiijisay in weerar khasaara dhaliyay uu lakulmay saldhigga booliska deegaanka Sareedo Bilcaan balse faah faahin intaas ka dheeri ah mabixin.

Waa weerarkii Sedaxaad oo xoogaga Al Shabaab ay ka fuliyaan gudaha Kenya 7 maalmood gudahood, maalin ka hor ayay aheyd markii weerar xoog kugal ah lagu qaaday saldhig ciidamo Americaan ah iyo Kenyaan ah uga sugnaayeen gobolka Lamu.

Related Items