Qarax ka dhacay koontoroolka koowaad ee laga ilaaliyo Madaxtooyada iyo mas'uuliyiin la beegsaday [Bayaan].

Wednesday January 08, 2020 - 11:47:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax ka dhacay koontoroolka koowaad ee laga ilaaliyo Madaxtooyada iyo mas'uuliyiin la beegsaday [Bayaan].

    Warar hordhac ayaa laga helayaa qarax aad u xooggan oo ka dhacay koontoolka koowaad ee laga ilaaliyo madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho iyo xaumo farabadan oo ku yaalla halkaas oo ay ka mid yihiin xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar hordhac ayaa laga helayaa qarax aad u xooggan oo ka dhacay koontoolka koowaad ee laga ilaaliyo madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho iyo xaumo farabadan oo ku yaalla halkaas oo ay ka mid yihiin xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda Amniga.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxaynayay dagaalyahan Naftiis hure istish-haadi ah ayaa lala beegsaday koontoroolka oo xilligaas ahaa mid aad u mashquul badan ay ku sugnaayeen mas'uuliyiin iyo ciidamo intaba.

Koontoroolka la weeraray oo xiga dhanka isgoyska Sayidka ayaa xiiligii qaraxu ka dhacayay waxaa ku sugnaa kolonyo gaadiid ah oo wateen mas'uuliyiin ka tirsan DF kuwaas oo halkaas lagu baarayay si ay ugu gudbaan dhanka Madaxtooyada iyo dhismaha Baarlamaanka.


Xarakada  Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerarka, Afhayeenka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cabdi Casiis Abu Muscab ayaa sheegay in weerarka ay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeedba ugu gaarsiiyeen xubno ka tirsan masuuliyiinka DF iyo ciidamada intaba.



FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items