170 qof oo ku dhintay diyaaradda ku burburtay duleedka Magaalada Dahraan.

Wednesday January 08, 2020 - 11:13:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    170 qof oo ku dhintay diyaaradda ku burburtay duleedka Magaalada Dahraan.

    Boqolaal qof ayaa dhintay kadib markii diyaarad rakaab ah ay ku burburtay meel ku dhow magaalada Dahraan ee caasimadda u ah wadanka Iiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal qof ayaa dhintay kadib markii diyaarad rakaab ah ay ku burburtay meel ku dhow magaalada Dahraan ee caasimadda u ah wadanka Iiraan.


Diyaaraddan oo ay laheyd dowladda Yukreen ayaa dhulka ku dhacday daqiiqado kadib markii ay hawada gashay.

Shirkadda duulimaadyada dalka Yukreen ayaa xaqiijisay in ay burburtay diyaarad nuuceedu ahaa Boeing 737 taas oo ka kicitintay garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Dahraan.

Waxaa dhintay dhammaan rakaabkii diyaaradda la socday oo tiradooda lagu sheegay 170 qof, dadka dhintay badankood waxay kasoo jeedaan wadamada Canada iyo Iiraan, 82 qof aya kasoo jeeda Iiraan halka 63 qof ay kasoo jeedaan dalka Canada.


Madaxweynaha Yukreen wuxuu xaqiijiyay in dadka dhintay qaarkood ay dalkiisa kasoo jeedaan wuxuuna beeniyay wararka sheegayay in diyaaradda uu gantaal haleelay, Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaraddu ukirayseed ayaa xaqiijiyay in la helay Sanduuqa Madoow ee diyaaradda ayna baaritaannada horudhaca ah muujinayaan cillad farsamo oo ku timid matoorka diyaaradda.



Related Items