15 Ruux oo Agaasime Wasaaradeed ka mid yahay ayaa ku dhintay Qaraxii Isgoyska Sayidka.

Wednesday January 08, 2020 - 17:34:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    15 Ruux oo Agaasime Wasaaradeed ka mid yahay ayaa ku dhintay Qaraxii Isgoyska Sayidka.

    Faafaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey weerarkii Nafhurnimada ahaa ee barqnimadii maanta lagu qaadya kontoroolka koowaad ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faafaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey weerarkii Nafhurnimada ahaa ee barqnimadii maanta lagu qaadya kontoroolka koowaad ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho.



Waxaa la xaqiijiyay in howlgalkaas Nafhurnimada ah ay ku dhinteen 15 xubnood oo isuga jira ciidamo, saraakiil iyo shaqaale katirsan dowladda federaalka.

Marka laga soo tago dhimashada, tirada dhaawaca ayaa iyadana lagu sheegay 20 ruux, waxaana ay isugu jiraan saraakiil, ciidamo iyo xubno muhiim ah.

Dadka ku dhintay qaraxii maanta waxaa kamid ah agaasimihii maaliyadda wasaaradda Haweenka dowladda kaas oo lagu magacaabi jiray Bilse Ismaaciil.



Dadka dhaawacay iyo kuwa dhinayba waxaa ku jira shaqaale katirsan Baarlamaanka iyo Agaasimayaal wasaaradeed, waxaana Xarakada a Al-Shabaab ay si cad u sheegatay masuuliyadda.

Xiliga uu qaraxa dhacayay ayaa waxaa kontoroolka taagnaa gawaari badan oo ay saarnaayeen masuuliyiin katirsan dowladda federaalka oo kusii jeeday dhanka madaxtooyada, waana arinta kordhisay khasaaraha.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items