Donald Trump oo sheegay in ciidamadiisa aysan wax khasaara ah kasoo gaarin duqeymihii Iiraan.

Wednesday January 08, 2020 - 20:45:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump oo sheegay in ciidamadiisa aysan wax khasaara ah kasoo gaarin duqeymihii Iiraan.

    Shir Jaraa'id oo uu ku qabtay Aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayuu Donald Trump uga hadlay duqeymihii ay dowladda Iiraan ku qaaday qaar kamid ah saldhigyada ciidamada Americanka ay ku leeyihiin wadanka Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir Jaraa'id oo uu ku qabtay Aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayuu Donald Trump uga hadlay duqeymihii ay dowladda Iiraan ku qaaday qaar kamid ah saldhigyada ciidamada Americanka ay ku leeyihiin wadanka Ciraaq.


Trump ayaa sheegay in wax dhibaata ah aysan wax dhibaata ah ciidamadiisa kasoo gaarin duqeymihii xalay ka dhacay galbeedka iyo Waqooyiga Ciraaq.

Wuxuu sheegay in duqeymaha Iiraan ay ahaayeen kuwa aad uliita oo aan haleelin ahdaaftii loogu talagalay, Trump ayaa ku faanay dilkii Qaasim Suleymaani oo uu ku tilmaamay Argagax geliye dilaa ah oo mas'uul ka ahaa dhimashada askar iyo dad Shacab American ah.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ugu baaqay dowladda Iiraan iyo Midowga Yurub in ay diyaariyaan heshiis cusub oo ku saabsan barnaamijka Niyugleerka xukuumadda Dahraan si loosoo gaba gabeeyo murunka kala dhaxeeya.


Dowladda Shiicada Iiraan ayaa maanta sheegtay in duqeymo ay ku beegsatay saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq ay ku dishay 80 Askari American ah waxaana muuqata in sheegashadaasi aheyd mid niyadda loogu dhisayay Shacabka Iiraan ee ka carooday dilkii Qaasim Suleymaami.



Related Items