Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in 10-kii bisha Jumaadal
Awal 1441H, ciidamo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Al-Shabaab
ayaa weerar ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidamada Mareykanka oo ku yaalla
deegaanka Maanda Beey ee gobolka Lamu, halkaasna ku dileen kuna dhaawaceen 17
askari oo Mareykan ah iyo 9 kamid ah ciidamada khaaska ee Kenya.
"Saldhiggan oo lagu magacaabo "Kaam Simba” ayaa ah xero
militari oo ay leedahay dowladda saliibiga ah ee Mareykanka, waxaana ka
howlgala boqolaal ciidamo Amerikaan ah. Waa taliska laga hago howlgallada
saliibiga ah ee uu Mareykanku ka wado waqooyiga Kenya, waa goobta ay
saliibiyiinta reer galbeedku kasoo abaabulaan howlgallada basaasnimo ee ka
dhanka ah Muslimiinta bariga Afrika.” Ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Qudus
Lama Yahuudeynayo
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay inuu duullaankii
lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee Manda Bay qeyb ka ahaa olole dagaaleedka
loogu magacdaray "Qudus Lama Yahuudeynayo” ee lagu beegsanayo Mareykanka
maadama maamulka Mareykanka uu weli taageero hiil iyo tabantaabano la garab
taagan yahay maamulka Yahuudda, una sharciyeeyey magaalada Qudus.
"Qadiyada Filistiin ma ahan qadiyad carbeed, ama mid ku
kooban reer Filistiin oo kaliya, balse waa qadiyad khuseysa qof kasta oo Muslim
ah, lana xiriirta Iimaanka qofkasta oo Mu’min ah. Masjidka Al-Aqsaa waa
qibladii ugu horeysay ee Muslimiinta, waa goobta 3aad ee ugu kheyrka badan
Islaamka, waana halkii loo dheelmiyey rasuulkeena –salallaahu caleyhi wasalam-
duullaan kasta iyo cudwaan waliba oo lagu soo qaado Masjidkaas iyo Muslimiinta
kunool dhulkaas barakeysan, wuxuu ka dhigan yahay duullaan lagu soo qaaday
Ummadda Islaamka oo dhan” ayuu yiri Afhayeenka.
Wuxuu intaas ku daray: "Howlgalkan barakeysan ee lagu
beegsaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan deegaanka Maanda Beey, ayaa ah
fariin gaashaanka u daruureysa, sheegashooyinka axmaqnimo ee Trump ee ah, in
warcelinada ka dhalanaya taageerada Mareykanka ee Yahuuda ay ku koobnaan doonto
keliya, dibadbaxyo iyo diidmo afka baarkii ah oo aan dhaafsiisneyn baraha
bulshada”.
Al-kataa’ib ayaa soo xiganeysa madaxweynaha Mareykanka,
Donald Trump oo sheegaya in markii uu qaatay go’aankii uu ku sharciyeeyey Qudus
una raray safaarada uu filanayey inay Muslimiintu kacdoomi doonaan, jawaab
adagna bixin doonaan balse aysan waxbaba dhicin, taas oo uu la fajacay, balse
xarakada Al-Shabaab ayaa ku goodisay in go’aankaas aanan jawaab la’aan looga
gudbi doonin.
Dalabaatka
Al-Shabaab
Xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale dalabaat dhowr ah hor
dhigtay dowlada Mareykanka haddii ay doonayaan inay ka bad-baadaan weerarada
Mujaahidiinta, waxaana shuruudaha la hor dhigay kamid ah inay joojiyaan dhamaan
taageerada iyo tababarrada ay siiyaan maamulka Yahuudda, joojiyaan duqeymaha
wuxuushnimo ee ka dhanka ah dumarka iyo caruurta Muslimiinta, ciidankooda kala
baxaan wadamada Muslimiinta, soo daayaan maxaabiista Muslimiinta ee sida xaq-darrada
ah ugu xiran xabsiyadooda.
"Hadaba Haddii ay u hogaansami weyso [dowlada Mareykanka] dalabkaas
aan kor kusoo xusnay, natiijadu ma noqon doonto keliya in dhiig horleh
ciidankiina uga daato dhulalka Islaamka, balse waxaa halis gelin doona nolosha
iyo masaalixda dhamaan dadka Ameerikaanka ah ee kunool daafaha dunida, si looga
abaalmariyo dambiyada gurracan ee ay ku kaceen, annaguna idiinma dulmin balse
idinka ayaa daalimiin ah” ayuu yiri sheikh cali dheere.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale digniin kulul u
jeediyey shacabka Mareykanka, waxaana uu yiri: "Farriinteena ku wajahan
shacabka Mareykanka waxay tahay: ku seexda kuna soo toosa in inta dowladdiinu
ay sii waddo inay maamulka Yahuudda ku taageerto dulmigooda ka dhanka ah
ehelkeena reer Filistiin ee Muslimka ah, ciidankiinuna duullaan ku joogaan
waddamada Muslimiinta, aadan marnaba amni iyo ammaan ku heli doonin gudaha dalkiina,
ama dibadiisaba intaba”.
Hambalyada
Hogaanka Al-Shabaab
Xarakada Al-Shabaab ayaa Mareykanka uga digtay inuu duqeymo
aargoosi ah ku beegsado dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan. "Markasta oo
ay Mujaahidiintu weeraraan saldhigyada ciidamada Mareykanka, waxaa dhaqan u ah
saliibiyiinta fuleyada ah inay ka aargoostaan dumarka iyo caruurta Muslimiinta,
kuna beegsadaan duqeymo wuxuushnimo oo aan kalasooc lahayn. Balse ogaada fal
waliba oo aad sameysaan wuxuu yeelan doonaa cawaaqib adag, maalin ayaadna guran
doontaan ha dhawaato ama ha dheeraatee” ayuu yiri.
Hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ugu
dambeyntii u hambalyeeyey halyeeyadii fuliyey weerarkii lagu qaaday saldhigga
ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee dalka Kenya, iyagoo dhalinyarada
Muslimiinta ah ugu baaqay inay ku daydaan geesiyaashaas, islamarkaana
beegsadaan masaalixda Mareykanka.
" Waa Thabaatkooda, dhiigooda iyo nafhurkooda waxa uu Allaah
ku ciqaabay, saliibiyiinta Mareykanka ee kibirka badan, ku burburiyey
saldhigooda, kuna dulleeyey ciidankooda. Waxaan ugu baaqeynaa guud ahaan dadka
Muslimiinta, si gaar ah Mujaahidiinta bariga Afrika inay ku daydaan
dhalinyaradaas halyeeyada ah, mudnaanta ugu horeysa ee howlgaladoodana ka
dhigaan, beegsiga masaalixda Mareykanka” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Hogaanka Guud ee Al-Shabaab Oo Ka Hadlay Weerarkii Manda Bay Ee Kenya (KALIMAD+BAYAAN).
Mu'asasada Alkataa'ib, garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa caawa baahisay bayaan kasoo baxay hogaanka sare ee XSHM oo uu akhrinayo afhayeenka guud ee Xarakada, Sheekh Cali Maxamuud Raage, sidoo kalena ku turjuman Luuqadaha Engl