Dowladda Shiinaha ayaa Tacdiibin iyo Ciqaab adduun midkii ugu xumaa ku haysa malaayiin qof muslimiin ah oo kunool gobolka Turkistaanta Bari.
Hay'adaha sheegta in ay udoodaan xuquuqul Insaanka ayaa baahiyay Warbixinno muujinaya sida bahalnimada leh ee dowladda Shiinaha u xasuuqayso shacabka Qowmiyadda Iigooriyiinta.
Dowladda Shiinaha waxay dhulka Turkistaanta Bari ka dhistay Xeryo Xabsiyo laga sameeyay halkaas oo ay ku xabistay dad kabadan 4 Milyan muslimiin ah, asaaliibta dhagarta ah ee Shiinuhu muslimiinta u adeegsanayo waxaa ka mid ah in uu si qasab ah ku cunsiiyo hilibka Doofaarka iyo in uu ka saaro diintooda.
Gabar Yar oo kasoo jeedo Turkistaanta bari ayaa Farrintan qiirada leh usoo dirtay muslimiinta Caalamka waxayna ugu baaqaysaa in ay soo farageliyaan qadiyadooda murugsan.
Daawo Video: Gabar Muslimad ah oo Farriin qiira leh kasoo dirtay dalka Shiinaha Baaqna ujeedisay Muslimiinta Caalamka.
Dowladda Shiinaha ayaa Tacdiibin iyo Ciqaab adduun midkii ugu xumaa ku haysa malaayiin qof muslimiin ah oo kunool gobolka Turkistaanta Bari.