Mareykanka iyo Iiraan oo sheegay in ay diyaar u yihiin Wadahadallo lagu joojinayo coladda udhaxaysa.

Thursday January 09, 2020 - 14:07:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.6/5 Stars) Total Votes: 5
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka iyo Iiraan oo sheegay in ay diyaar u yihiin Wadahadallo lagu joojinayo coladda udhaxaysa.

    Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in farriimo nabadeed ay ka heshay maamulka Shiiciga Iiraan saacado kadib markii duqeymo ba'an ay lakulmeen saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in farriimo nabadeed ay ka heshay maamulka Shiiciga Iiraan saacado kadib markii duqeymo ba'an ay lakulmeen saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Ciraaq.


Xukuumadaha Dahraan iyo Washington ayaa isdhaafsaday baaqyo nabadeed xilli Iiraan ay sheegtay in ay soo afjartay weeraro aargudasha ah oo ay ku qaadday saldhigyada Mareykanka.

Mike Pence oo ah madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa warbaahinta u sheegay in Iiraan ay farriimo ay wadahadal ku dalbanayso usoo dirtay Mareykanka.

Labada dhinac ayaa muujiyay sida ay u doonayaan in ay xakameeyaan colaaddii udhaxaysay ee ka dhalatay dilkii Jeneraal Qaasim Suleymaani, ilo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa sheegaya in dowladda Iiraan ay garabyadeeda Shiicada ah ee Ciraaq ku sugan ay amar kusiisay joojinta weerarada ay ku qaadayaan danaha Mareykanka.


Mareykanka iyo Iiraan ayaa muddo sanada ah ku midaysanaa dagaalka ka dhanka ah jamaacaadka Jihaadiga Sunniga ah ee ka dagaallama wadamo ay kamid yihiin Ciraaq,Suuriya iyo Afghanistan.


Related Items