Guddoomiye Waaxeed iyo Askari lagu dilay degmooyinka Wardhiigleey iyo Huriwaa.

Thursday January 09, 2020 - 14:09:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Waaxeed iyo Askari lagu dilay degmooyinka Wardhiigleey iyo Huriwaa.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

Xoogag hubeysan ayaa maanta barqadii degmada Huriwaa ee waqooyiga magaalada Muqdisho ku dilay mid kamida guddoomiye waaxeedyada degmadaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay agagaarka suuqa degmada ku dileen Haweenay lagu magacaabi jiray Nasro Cali oo aheyed guddoomiye waaxeed, dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in raggii weerarka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen.

Weerar kale oo ka dhacay xaafadda Siinaay ee degmada Wardhiigleey ayaa lagu dilay mid kamida ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.


Rag bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay askariga rasaas uga dhufteen qeybta sare ee jirkiisa taas oo sababtay in uu isla goobta ku dhinto, dhinaca kale qarax xooggan ayaa xalay lagu weeraray saldhigga Booliska degmada Kaaraan balse lama oga khasaaraha ka dhashay, dadka deegaanka waxay sheegeen in ay maqlayeen jugta qaraxa kadibna ciidamada dowladda ayaa rasaas furay.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay dhammaan mas'uuliyadda dilalkii iyo qaraxyadii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmooyin katirsan gobolka Banaadir.


Related Items