Weerar Cag marin ah oo ciidamada dowladda ku qabsaday duleedka degmada Wanllaweyn ee Sh/Hoose.

Thursday January 09, 2020 - 14:51:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.7/5 Stars) Total Votes: 3
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Weerar Cag marin ah oo ciidamada dowladda ku qabsaday duleedka degmada Wanllaweyn ee Sh/Hoose.

    Wararka nagasoo gaaraya Sh/hoose ayaa sheegaya in barqanimadii maanta uu dagaal xooggan ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Wanllaweyn iyo xerada Balidoogle kadib markii ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ay weerar dhabbagal ah u dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka nagasoo gaaraya Sh/hoose ayaa sheegaya in barqanimadii maanta uu dagaal xooggan ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Wanllaweyn iyo xerada Balidoogle kadib markii ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ay weerar dhabbagal ah u dhigeen maleeshiyaat zaad u waday xerada ciidamada Mareykanka ee Balidoogle.


Saraakiil katirsan ciidanka Al-Shabaab ayaa Idaacada Andalus u sheegay in ciidamadoodu ay cagta mariyeen kolonyo ciidamo ah oo watay ku dhawaad 10 gaari islamarkaana kusii jeeday saldhigga Balidoogle.

Wararka ayaa sheegaya in inta badan gaadiidkii ay wateen maleeshiyaatka oo u badnaa Booyado shidaal laga dhigay wax la burburiyay iyo wax lasoo ganiimeystay islamarkaana khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac ah la gaarsiiyey maleeshiyaatka Bangaraafta ee Mareykanku tababaray.


"Allaah fadligii howlgalkan qorsheysan waxaan ku beegsanay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen maleeshiyaatka loo yaqaano "DANAB" ee uu Mareykanku soo tababaray, kuwaas oo Zaad u waday dhanka Balidoogle, maleeshiyaatkii iyo kolonyadiiba cagta ayaan marinay, gaadiidkii oo ay wateen oo dhana qaar waan soo ganiimeysanay, qaarna waan gubnay" sidaas waxaa idaacada Andalus u sheegay sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa ka dhacay goob udhow saldhigga ciidamada Mareykanka ee Balidoogle waxaana in maleeshiyaatka calooshood u shaqeystayaasha ee 'DANAB' lagu weeraro halkaas ay muujineysaa halista weli Mareykanka iyo maleeshiyaatkiisa calooshood u shaqeystayaasha ah kaga imaaneysa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.


Related Items