Taliska AFRICOM oo qiray in Al Shabaab awood uleedahay Fulinta Weeraro dibadda ah.

Saturday January 11, 2020 - 09:53:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska AFRICOM oo qiray in Al Shabaab awood uleedahay Fulinta Weeraro dibadda ah.

    Mas'uuliyiinta ugu sarraysa taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ayaa booqasho kadis ah ku tagay saldhigga Simba Camp ee gacanka Manda Bay oo isbuucii lasoo dhaafay uu ka dhacay weerar askar American ah lagu dilay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiinta ugu sarraysa taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ayaa booqasho kadis ah ku tagay saldhigga Simba Camp ee gacanka Manda Bay oo isbuucii lasoo dhaafay uu ka dhacay weerar askar American ah lagu dilay.


Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Mareykanka waxaa wafdiga booqday Manda Bay hoggaaminayay Jeneraalka madaxda ka ah qeybta Zaadka  AFRICOM iyo saraakiil kale.

Socdaalkan ayaa lagu sheegay mid qiimeyn ah iyo xog wareysi lala yeelanayay askartii ka badbaaday weerarkii Simba Camp Lamu "si dhaqsi ah ayaan koox ka tirsan hoggaanka gaarka ah ugu dirnay goobta weerarku ka dhacay si ay macluumaad toos ah uga dhegaysantaan ciidamadeenna dhulka ku sugan kuwaas oo ku aaddan tafaasiisha weerarkii ay qaadday Al Shabaab, waxaan doonayaa xaqiiqda si ay ciidamadeenu uhelaan damaanad iyo wixii ay ubaahanyihiin" sidaas waxaa yiri Stephen Townsend.


Socdaalka Manda Bay waxaa qeyb ka ahaa Jeneraal Michael Turello oo kamida ah saraakiisha ciidamada Mareykanka ee qaaradda ku sugan waxayna dhammaantood walaac ka muujiyeen weerarkii dhacay 5-tii bishaan.

Jeneraallada Americanka ah ayaa qiray in Al Shabaab ay awood uleedahay fulinta weeraro dibadda ah oo ay ku beegsnayso cadowgeeda "Shabakaddan Argagaxisada ee hoos tagta Alqaacidda waxay sugtay awoodda ay uleedahay qaadidda weeraro dibadda ah sidii ay horay usamaysayba arrinkaasna waa sii wadi doontaa haddii aan lagula dagaallamin halka ay ku sugantahay" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay AFRICOM.

Saraakiisha ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ayaa warsaxaafadeedkiisa kusoo hadal qaaday cabsida ay ka qabaan Fikirka Jihaadiga caalamiga ah ee ay xambaarsanyihiin dagaalyahannada iyo hoggaanka Xarakada Al Shabaab, Cajallada Video ah oo mu'asasada Alkataa'ib ay soo saartay bishii November sanaddii 2019 uuna kasoo muuqanayay Sheekh Abuu Cubeyda Amiirka Xarakada ayaa muslimiinta ku boorinaysay in meel walba ay ku beegsadaan dadka Americanka ah maadaama dowladoodu xasuuq ku hayso shacabka Soomaaliyeed.


Related Items