Weerar si Cajiib ah Askari loogu qafaashay mid kalane lagu dilay oo ka dhacay duleedka Afgooye.

Saturday January 11, 2020 - 11:27:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weerar si Cajiib ah Askari loogu qafaashay mid kalane lagu dilay oo ka dhacay duleedka Afgooye.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan kaabiga ku haya degmada Afgooye ee Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan kaabiga ku haya degmada Afgooye ee Sh/Hoose.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar qorshaysan ku qaaday bar koontarool oo ciidamada dowladda ee Mareykanku tababaray ay ku lahaayeen deegaanka Sabiid ee Sh/Hoose.

Ilo wareedyo amni oo SomaliMeMo ay ka heshay deegaanka Sabiid ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay toogasho ku dileen hal askari islamarkaana ay nolosha ku wateen askari kale oo katirsanaa kuwa loo yaqaan Danab.


Xoogaga Weerarka qaaday oo sida muuqata qabay tababar heer sare ah ayaa uxaluusha saldhigga maleeshiyaadka Bangaraafta ee tuulada Sabiid waxayna ku guuleysteen in ay qafaal iyo dil ugeystaan ciidamadii Mareykanku ku tababaray saldhigga Balidoogle.

Lama oga halka uu ku dambayn doono masiirka Askariga katirsanaa Danab ee Al Shabaab qafaasheen balse badanaa askarta dowladda ee lagu qabto dagaallada ayaa ladilaa sida dhowr mar lagu daawaday muuqaallo ay Mu'asasada Alkataa'ib soo saartay.

Related Items