Weerar Xarumo looga gubay dowladda Kenya oo ka dhacay duleedka Mandheera.

Saturday January 11, 2020 - 12:09:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Xarumo looga gubay dowladda Kenya oo ka dhacay duleedka Mandheera.

    Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay hawlgal ka fuliyay degaan kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya xoogga ku heysato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay hawlgal ka fuliyay degaan kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya xoogga ku heysato.


Wararka nagasoo gaaraya dhulka NFD ayaa waxay ku waramayaan in dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerareen ciidamo Kenyaati ah oo ku sugnaa tuulo hoos tagta Mandheera.

Goobaha la weeraray waxaa ka mid ah laba xarumood oo ay dowladda Kenya ku leedahay tuulo lagu magacaabo Oola, kuwaas oo kala ah saldhigga Booliska iyo shirkadda isgaarsiita ee Safaricom.

Inkastoo aanan wali heiin xogta rasmiga ah ee khasaaraha dhimasho, haddana waxaa la xaqiijiyay in la burburiyay lana gubay labadaasi xarumood.


Tuuladan ayaa kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya xoogga ku heysato waxaana ku sugan ciidamo katirsan Police-ka dowlada kenya.

Xarakada Al-Shabaab ayaa maalmahan aad usii laba jibaaray weerarada ay ka geysato gudaha Kenya iyo dhulka Soomaliyeed ee gumeysiga lagu heysto.


Related Items