Ururka NATO oo xaqiijiyay in Askar American ah lagu dilay Koonfurta Afghanistan.

Saturday January 11, 2020 - 20:07:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka NATO oo xaqiijiyay in Askar American ah lagu dilay Koonfurta Afghanistan.

    Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamo American ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qarax xooggan oo kolonyo katirsan isbahaysiga NATO lagula beegsaday Koonfurta wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamo American ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qarax xooggan oo kolonyo katirsan isbahaysiga NATO lagula beegsaday Koonfurta wadankaasi.


War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada Islaamiga ah (Taliban) ayaa lagu sheegay in qarax miino oo kolonyo katirsan ciidamada NATO lagula beegsaday mandiqadda Karooshiilah uu sababay in gabi ahaanba uu burburo gaari gaashaaman waxaana dhintay dhammaan ciidamadii gaariga la socday.

Weerarka qaraxa ah ayaa ka dhacay meel ku dhow saldhigga cirka melleteriga ah ee magaalada Qandahaar, dad goob joogayaal ah ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in ay arkayeen burbur xooggan oo gaaray gaariga la beegsaday.


Dhinaca kale bayaan kasoo baxay maanta gelinkii dambe taliska Ciidamada NATO ayuu ku xaqiijiyay in laba askari American ah uga dhinteen qaraxii Qandahaar halka 2 kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Ururka NATO ayaa war kooban ku sheegay in askarta dhimatay uu haleelay qarax miino oo ka dhacay Koonfurta Afghanistan isagoo cambaareeyay Xarakada Jihaadka Taliban ee mas'uulka ka aheyd weerarkii maanta.

Weerarkan askarta Americanka ah lagu dilay ayaa imaanaya xilli sanadii 19aad ee uu lugta lagalay dagaalka Jihaadka ah ee ka socda wadanka Afghanistan waxaana muuqata in dagaalka oo sii daba dheeraaday uu dhiigbax nafeed iyo mid dhaqaale ku yahay ciidamada Jinsiyadaha kala duwan leh ee wadankaas ku duulay waxaana ugu horraysa dowladda Mareykanka.


Related Items