Suldaanka Cusub ee Cummaan oo sheegay in dowladdiisu ku dhaqmi doono siyaasad dhax dhaxaadnimo ah.

Sunday January 12, 2020 - 10:22:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaanka Cusub ee Cummaan oo sheegay in dowladdiisu ku dhaqmi doono siyaasad dhax dhaxaadnimo ah.

    Heytham Bin Daariq oo ah Suldaanka Cusub ee dowladda Cummaan ayaa si rasmi ah xilka madaxtinimada ula wareegay wuxuuna ballan qaaday in uu ku taagnaan doono wadadii uu jeexiyay ninkii isaga ka horreeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heytham Bin Daariq oo ah Suldaanka Cusub ee dowladda Cummaan ayaa si rasmi ah xilka madaxtinimada ula wareegay wuxuuna ballan qaaday in uu ku taagnaan doono wadadii uu jeexiyay ninkii isaga ka horreeyay.


Suldaanka Cusub oo khudbad ka jeedinayay munaasabaddii lagu dhaarinayay ayaa sheegay in dowladdiisu ay ku dhaqmi doonto isla siyaasaddii Suldaan Qaabuus oo ku aadaneed arrimaha dibadda.

"Waxaan adkeynayaa in siyaasadda wadankeena ee dibadda ay noqoto sidii lagu yaqiin oo aheyd deganaan iyo in aanan faragelin arrimaha gudaha wadamada kale" sidaas waxaa yiri Suldaanka Cusub ee Cummaan.


Suldaan Qaabuuskii dhintay ayaa caan ku ahaa xiriiradii dhowaa ee uu lalahaa wadamo siyaasadaha isku diidan sida Iiraan iyo Mareykanka, sidoo kale dowladda Cummaan ayaa dhinac iska taagtay khilaafka udhaxeeya dowladaha Khaliijka Carabta iyadoona qaadatay siyaasad dhax dhaxaadinimo.

Dowladda dabadhilifka Cummaan ayaa xiriir dhow laleh maamulka Yahuudda Sahyuuniyadda ee xoogga ku jooga dhulalka Filasdiin isagoona sanaddii 2018 magaalada Masqad kusoo dhoweeyay Bin Yamiin Netenyaahu oo ah R/wasaaraha Yahuudda.




Related Items