Hoggaamiye katirsan Maleeshiyaadka Shiicada Ciraaq oo Baqdaad lagu dilay.

Sunday January 12, 2020 - 10:57:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiye katirsan Maleeshiyaadka Shiicada Ciraaq oo Baqdaad lagu dilay.

    Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen mas'uul sare oo katirsanaa maleeshiyaadka Shiicada ee Xashdiga loo yaqaan kuwaas oo Ciraaq laga dhisay sanaddii 2014.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen mas'uul sare oo katirsanaa maleeshiyaadka Shiicada ee Xashdiga loo yaqaan kuwaas oo Ciraaq laga dhisay sanaddii 2014.


Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in rag hubeysan oo aan heybtooda lagaran ay xaafadda Alsadar ee bariga magaalada Baqdaad  ku dileen Daalib Alsaacidi oo ahaa taliyihii Gaaska Karbalaa.

Ragga dilka geystay ayaa watay gaari nuuca raaxada ah kadibna goobta ayay isaga dhaqaaqeen sida ay sheegeen saraakiisha booliska, Daalib Alsaacidi ayaa taliye u ahaa kumanaan askari Shiico ah oo lagasoo aruuriyay Koonfurta wadanka Ciraaq.

Lama oga in dilka sarkaalkan uu salka ku hayo beegsiga uu Mareykanku ku hayo hoggaamiyaasha Shiicada Ciraaq ee xiriirka laleh dowladda Iiraan, shalay ayay aheyd markii sidaan oo kale kooxo hubeysan ay udileen Saxafi taageera weyn u hayay kacdoonka Shacbiga ah.


Wariyaasha ayaa soo sheegaya in hoggaamiyaha Baqdaad lagu dilay uu si aad ah utaageerayay kacdoonka ka dhanka ah musuq maasuqa ee shacabka Ciraaq ay ka wadaan wadanka intiisa badan.

Related Items