Dab Khasaara hantiyadeed dhaliyay oo ka kacay magaalada Jigjiga.

Sunday January 12, 2020 - 20:56:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab Khasaara hantiyadeed dhaliyay oo ka kacay magaalada Jigjiga.

    Wararka ka imaanaya dhulka Soomaaligalbeed ayaa sheegaya in dab khasaara dhaliyay uu ka kacay mid kamida magaalooyinka ugu waaweyn gobolkaasi ku jira gummeysiga Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaaligalbeed ayaa sheegaya in dab khasaara dhaliyay uu ka kacay mid kamida magaalooyinka ugu waaweyn gobolkaasi ku jira gummeysiga Xabashida Itoobiya.

Dab xooggan ayaa ka kacay mid kamida xaafadaha caanka ah ee magaalada Jigjiga wuxuuna dabku dhaliyay khasaara hantiyadeed oo soo gaaray dad danyar ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dabku uu baabi'iyay illaa laba guri oo kuyiillay xaafadda Sheekh Nuur ee magaalada Jigjiga, dabka ayaa markii hore qabsaday guri kadibna wuxuu kusii faafay guri kale oo daris la ahaa.

Majirin wax gurmad dab damis ah oo dowladda hoose ee magaalada Jigjiga ay ufidisay qoysaska guryahoodu ay gubteen oo la sheegay in ay kamid yihiin dadka Saboolka ah ee magaalada deggan.


Lamasoo sheegin wax khasaara nafeed ah oo ka dhashay dabka ka kacay magaalada Jigjiga, dadkii deganaa guryaha gubtay ayay usuurta gashay in ay kala baxaan carruurtooda.

Related Items