Maxkamadda Islaamiga Sh/Hoose oo Xukun dil ah ku fulisay Afar qof oo katirsanaa dowladda.

Sunday January 12, 2020 - 21:00:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Islaamiga Sh/Hoose oo Xukun dil ah ku fulisay Afar qof oo katirsanaa dowladda.

    Xukunkan oo ay usoo daawasho tageen dad weyne badan ayaa wuxuu ka dhacay fagaare weyn oo ku yaalla degmada Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukunkan oo ay usoo daawasho tageen dad weyne badan ayaa wuxuu ka dhacay fagaare weyn oo ku yaalla degmada Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.



Muxaadaro kooban oo dadka loo jeediyay kadib, waxaa fagaaraha la keenay 4 xubnood oo eedeysanayaal ah, intaasi kadibna qaadiga Maxkamadda Islaamiga ah ayaa faahfaahin ka bixiyay raggan.

Ugu horreyn wuxuu sheegay in afartoodaba ay ka tirsanaayeen dowladda Federalka ah waxaana ugu horreeyay 23 jir lagu magacaabo Ayuub Xassan Buraale oo ka tirsanaa maamulka Koofur Galbeed ugu magacaaban Kurtun waarreey.

Mar wax laga weydiiyay eeddan ayuu Maxkamadda horteeda ka qirtay isagoo sheegay in uu maalin u tagay nin Xildhibaan ah oo ay isgaranayeen kana dalbaday xil, kadibna loo gudbiyay Wasiir ka tirsan maamulka Koofur Galbeed, kaasoo u magacaabay dhirta iyo daaqa Kurtun waarreey.



Maacaabis kadib wuxuu sheegay inuu safar u aaday degaanka Golweyn balse meel dhexe lagu qabtay.

Ninka labaad ee uu qaadigu ka waramay wuxuu ahaa Xassan Cusmaan Cali (Abayle) oo 40 sano jir ahaa, laguna eedeeyay in uu ka tirsanaa ciidanka maamulka Baraawe bulshadana aad ugu dhibi jiray Koontaroolka.

Sida uu qaadigu sheegay, Xassan Cusmaan ayaa maxkamadda ka hor qirtay eeddan, wuxuuna sheegay inuu muddo sadax sano iyo bar ah kamid ahaa askarta maamulka Baraawe, kadibna uu aaday Afgooye si uu beer ugu tacbado, hase ahaatee, maalin ay is arkeen nin ay horey isku yaqaaneen oo ka tirsan DF, lagana dalbaday inuu sirdoon ahaan ula shaqeeyo soona gudbiyo haddey rag ka tirsan Al-Shabaab soo ag-maraan beertiisa, laakin isagoo shaqadaasi ku jira gacanta lagu soo dhigay.

Intaasi kadib, wuxuu qaadigu faahfaahin ka bixiyay eedeysanaha sadaxaad oo lagu magacaabayay Xassan Faarax Maxamad (Gambiye) da’diisuna 40 ahayd, kaasoo lagu eedeeyay inuu kamid yahay ciidamada DF.

Ninkan ayaa maxkamadda ka hor qirtay inuu ka tirsan yahay ciidanka DF, lana shaqeynayay muddo 7 bilood ah, kadibna la qabtay isagoo ku jira safar uu ku aadayay degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale eedeysanaha afaraad ayuu qaadigu tafaasiil ka bixiyay, waxaana uu magaciisu ahaa Xuseyn Xassan Geelle oo 30 sano jir ahaa iyadoo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahahy ciidanka DF.

Qaadiga ayaa xusay in markii jawaab laga dalbay ninkan  uu sheegay inuu muddo 4 bilood ah kamid ahaa ciidamada dowladda, kadibna uu yimid tuulo u dhow degaanka Dacaaraha lana soo qabtay.

Kadib markii ay Maxkamaddu dhageysatay waxa lagu soo eedeeyay afartooda iyo jawaabahooda oo qiraal ahaa una bandhigtay shareecada islaamka, sida uu qaadigu fagaaraha ka sheegay waxay ku xukuntay Xukun  dil ah iyadoo lasoo bandhigay maraajicda loo cuskaday ahaa labo xadiith oo ka sugan Nabiga Sallalaahu Caleyhi Wasallam.

Afartoodaba fagaaraha ayaa lagu toogtay, dadkuna waxay ku dhawaaqayeen takbiirta. Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu tilmaamaa iney leedahay Garsoor hufan waxaana dhowr jeer sidaasi warbaahinada ka sheegay Madax iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda.

Xigasho: Amiir Nuur Media

Related Items