Dagaal 6 Askari lagu dilay oo ka dhacay Galbeedka magaalada Kismaayo.

Monday January 13, 2020 - 12:08:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dagaal 6 Askari lagu dilay oo ka dhacay Galbeedka magaalada Kismaayo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno ku dhow magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno ku dhow magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.


Wararka ka imaanaya deegaannada dhanka galbeedka uga beegan magaalada ayaa sheegaya in dagaal culus uu shalay halkaas ku dhaxmaray ciidamada Al Shabaab iyo maleeshiyaad daacad u ah maamulka Axmed Madoobe.

Dagaalka oo dhacay shalay gelinkii dambe ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka 'Jubbaland' ay dhaq dhaqaaq ka sameeyeen deegaannada Canjeel iyo Kaba Kibir oo dhammaantood dhaca galbeedka Kismaayo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in iska hor'imaadyada lagu dilay 6 askari islamarkaana lagu dhaawacmay 7 kale sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab.


Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in xaaladda goobihii lagu dagaallamay ay degantahay waxaana ku sugan ciidamada wilaayada Islaamiga Jubbooyinka halka maleeshiyaadkii maamulka Axmed Madoobe ay dib ugu laabteen garoonka diyaarada Kismaayo.

Related Items