Carwo Caalami Ah oo laga Hirgeliyay deegaanka Kuunya Barrow ee Sh/Hoose [Sawirro].

Monday January 13, 2020 - 13:38:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Carwo Caalami Ah oo laga Hirgeliyay deegaanka Kuunya Barrow ee Sh/Hoose [Sawirro].

    Deegaanka Kuunya barrow ee wilaayada islaamiga ee Shabeellaha Hoose waxaa laga dareemayaa horumar aad u ballaaran oo dhan weliba leh, waxaana kamid ah dhanka ganacsiga, iyadoo ay magaaladu ku tallaabsaneyso isbedel muuqda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deegaanka Kuunya barrow ee wilaayada islaamiga ee Shabeellaha Hoose waxaa laga dareemayaa horumar aad u ballaaran oo dhan weliba leh, waxaana kamid ah dhanka ganacsiga, iyadoo ay magaaladu ku tallaabsaneyso isbedel muuqda.



Dhawwaan waxaa deegaanka laga hirgeliyey carwo caalami ah oo ka dhigan Supermarket waxa weliba oo loo baahdo laga helayo.

Carwada Deeq Rabbi oo ay furteen ganacsato Soomaaliyeed ayaa ah carwo ku cusub deegaanka, islamarkaana dabooli doonta baahiyo badan oo dhanka ganacsiga ah.

Munaasabad ballaaran oo lagu daah furayay xafladda ayaa la qabtay, waxaana kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si diirran usoo dhaweeyey.



Waxyaabaha lagu iibinayo carwadan waxaa kamida h dharka noocydiisa kala duwan, Electroniga, maacuunta, shumacyada, Roogaga, Qasaaladaha, Dahabka iyo Qalinka, iyo waxyaabo kale oo aad u badan.

Halkan ka dhageyso Warbixin ku saabsan furitaanka Carwada











Related Items