Dowladda Qadar oo Cambaaraysay Weerarada isdaba joogga ah ee ka socda dalka Kenya.

Tuesday January 14, 2020 - 10:15:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Qadar oo Cambaaraysay Weerarada isdaba joogga ah ee ka socda dalka Kenya.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda dabadhilifka Qadar ayaa lagu cambaareeyay weerarada isdaba joogga ah ee xoogagga Al Shabaab ay ka fulinayaan gudaha wadanka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda dabadhilifka Qadar ayaa lagu cambaareeyay weerarada isdaba joogga ah ee xoogagga Al Shabaab ay ka fulinayaan gudaha wadanka Kenya.


Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Qadar ayaa lagu dhaleeceeyay weerarkii ugu dambeeyay ee dagaalyahanadda Al Shabaab ay shalay ka fuliyeen deegaan 35 KM ujira magaalada Gaarisa kaasi oo dhaliyay khasaare lixaad leh.

Dolwadda Qadar waxay sheegtay in ay si aad ay uga xuntahay una cambaaraynayso weerarkii deegaanka Kamuuda kaasi oo sababay dhimashada 3 Macallimiin Kenyaan Nasaara ah.

"Dowladda Qatar si kulul ayay udhaleecaynaysaa weerarkii lagu beegsaday saldhigga Booliska gobolka Gaarisa ee Kenya kaas oo sababay dilka sedax Macallimiin ah iyo dhaawaca hal canug" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Qadar.


Xukuumadda Dooxa waxay adkaysay sida ay ugasoo horjeedo waxa loogu yeero Argagaxisada iyo xagjinimada iyadoona Tacsi udirtay dadkii ay ka dhinteen Macalimiintii Kirishtaanka ahaa ee lagu dilay weerarki Gaarisa.

Qadar ayaa isbuucii lasoo dhaafay sidaan oo kale u cambaaraysay weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka Manda Bay ee dalka Kenya, dowladdan dabadhilifadda ah ayaa dhanka dhaqaalaha iyo mileteriga ka taageerta duullaanka ay dowladaha shisheeye kusoo qaadeen Soomaaliya.

Maamulka Dooxa waligiis ma cambaarayn xasuuqa ba'an ee dowladaha Kenya iyo Mareykanka ku hayaan shacabka Soomaaliyeed waana dowlad caan ku ah ka qeyb qaadashada xamlada saliibiga ah ee lagu qaaday caalamka islaamka.


Related Items