Mareykanka oo dalkiisa ka Eryaya 21 Askar Sacuudiyaan ah.

Tuesday January 14, 2020 - 11:11:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo dalkiisa ka Eryaya 21 Askar Sacuudiyaan ah.

    Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in weerarkii sedaxda sarkaal Americanka ah lagu dilay bishii lasoo dhaafay uu ahaa " Fal Argagaxiso".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

General William dacwad soo oogaha guud ee Mareykanka
Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in weerarkii sedaxda sarkaal Americanka ah lagu dilay bishii lasoo dhaafay uu ahaa " Fal Argagaxiso".


Wasiirka cadaaladda Mareykanka ninka lagu magacaabo William Barr ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay ku sheegay in weerarkii ka dhacay saldhigga Florida uu ahaa mid 'Argagaxiso" wuxuuma amray in dhammaan askarta sacuudiga ee gudaha Mareykanka lagu tababaro wadankooda dib loogu celiyo.

Baaritaannada ay sameeyeen saraakiisha FBI-da ayey ku ogaadeen in askarigii Sacuudiyaanka ah ee laayay saraakiisha Americanka ah uu qabay Fikirka Jihaadiga ah waxaana gurigii uu deganaa lagasoo helay Khudbado jihaadka boorinayo oo ay duubeen culimo mujaahidiin Al Qaacidda katirsan.


"Baaritaannada lasameeyay waxay caddeeyeen in Max'med Saciid Shamraani oo ahaa sarkaal Sacuudiyaan 21 sana jir ah uu aaminsanaa Afkaaraha Xagjirnimada uuna xiriir lalahaa dhaq dhaqaaqo Jihaadi Argagaxiso ah" sidaas waxaa yiri wasiirka cadaaladda Mareykanka.

Wakaaladaha wararka Reergalbeedka ayaa sheegay in ciidamada Sacuudiga loo tababarayay ee Mareykanka laga eryayo qaarkood lagu helay falal anshax xumo, Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa dhankiisa sheegay in ay Mareykanka kala qeyb qaadanayaan baaritaannada socda.

10, December 2019 ayay wasaaradda difaaca Mareykanka ku dhawaaqday in ay joojisay dhammaan tababaradii lasiinayay saraakiisha Sacuudiyaanka ah ee ku sugan gudaha dalka Mareykanka sababa laxiriira weerarkii lagu dilay 3 sarkaal ee Americanka ah.


Related Items